XOG: Shariif oo si dhuumaalaysi ah ku gaaray Afgooye iyo soo noqoshadiisii oo gaari looga gubay Ceelasha Biyaha.

Written by Maamul on .

Madaxweynaha DKMG Shariif Sheekh Axmed oo Gaari Taangi ah oo ay leeyihiin Ciidamada shisheeye si dhuumaalaysi ah ku raacay ayaa maanta gaaray Magaalada Afgooye oo ay dhawaan Shisheeyaha iyo maleeshiyada DKMG gaareen, kadib markii halkaasi si xeeladeysan ay uga baxeen Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliya gaar ahaan Wilaayada Islaamiga gobolka Sh/hoose.

Shariif oo si dhuumaalaysi ah ku gaaray magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa ujeedkiisu ahaa in maleeshiyaadkiisa oo dhibaato ku haya dadka shacabka ah  kullamo la yeesho si ay dhibaatada halkooda uga sii wadaan.

Ilaaladiisa ayaa sidoo kale jirdil iyo caga jugleyn
waxay u geysteen mid ka mid ah Odayaasha magaalada Afgooye oo warbaahinta u sheegay in si aad u fool xun ay ula dhaqmeen ilaalada Shariif, kuna tilmaamay inay yihiin dad cadow ah oo aan u qalmin inay Ummadda Soomaaliyeed hogaamiyaan.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Afgooye iyo deegaanada loo barakacay ayaa sheegaya in si dirqi ah Kolonyadii Shariif kaga badbaaday weerar culus oo ay Ciidamada Mujaahidiinta jidka ugu galeen Gawaarida uu la socday, weerarkaasoo ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Weerarka dhaba galka ah oo ay qaadeen ciidamo si gaar ah u tababan kana tirsan Mujaahidiinta Sooamaaliya ayaa waxay kaga gubeen Ciidanka shisheeye iyo Maleeshiyada ilaalada Shariif gaari dagaal sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen SomaliMeMo Xafiiska warqabadka ee Magaalada Muqdisho.

Shariif laba mar uu booqasho qarsoodi ah ku tagay Magaalada Afgooye waxa uu la kulmay labada jeerba iska caabin xoogan oo ay kala hortageen Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliya oo ku sugan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy