Maalinta Bari ah oo la sheegay in la Ansixin doono Dastuur Gaaleedka.
Wasiirka Dastuurka DKMG C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Maalinta bari ah la Ansixinayo Dastuur Gaaleedka Dalka, kadib markii maantay Maalintii todobaad shir uga socdo Ergada Muqdisho ku shirsan kuwaasoo dhaqaale fara badan ku qaatay inay diidmo ka muujin Dastuurkaasi.
C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka hadlay howlaha Dastuur Gaaleedka ayaa ku nuux nuuxsaday in bari la Ansixin doono Dastuur Gaaleedkaasi, iyadoona aan waxba laga badalin sidii loo soo qorayna lagu Ansixin doono.
Mid ka mid ah Ergada Ansixinta Dastuurka oo SomaliMeMo Warbixin kooban ka siiyey Arrimaha Dastuurka ayaa xaqiijiyey in qodob iska daaye xaraf aan laga badalin Dastuur Gaaleedka oo sida cad ka hor’imaanaya Diinta Islaamka.
Ergeygaaasi waxa uu sheegay in lagu qasbay Ansixinta Dastuurkaasi, taasoo ay u sii dheerayd dhaqaale ay ka kala heleen Dowladaha Turkiga, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Mareykanka oo muddo fara badan geed dheer iyo mid gaaban u soo fuulayay sidii ay Soomaaliya Dastuur ka fog Diinta Islaamka uga hirgelin lahaayeen, waxaana taas u sahlaya caada qaatayaasha Madaxda Soomaalida iyo Ergooyinka aan la garanayn cida ay matalayaan.
Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah ayaa shaaca ka qaaday inaysan ogolaan doonin in la Ansixiyo Dastuur Gaaleedka la doonayo in bari la Ansixiyo.
