Qarax Lagu Laayay Askar katirsan DKMG ah Oo Muqdisho ka dhacay.
Khasaara xoogan ayaa ka dhashay qarax weyn oo manta magaalada Muqdisho lagula eegtay ciidamo katirsan DKMG ah xilli ciidanka huwanta ah ay iclaamiyeen in ammaanka caasimadda la adkeeyay.
Ugu yaraan Sedax Askari oo taabacsan DKMG ah ayaa lagu dilay qarax miino oo maanta duhurkii ka dhacay agagaarka Warshadda cabitaanka sameysa ee Kokakolla ee degmada Yaaqshiid.
Dad ku sugan xaafadda wax ka dhaceen ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay laqaraxday gaari dagaal nuuca Cabdi Bilaha ah oo ay la socdeen ciidan DKMG ah taabacsan.
Qaraxa ayaa burburiyay qeybta hore ee gaariga waxaana durbadiiba naf baxay darawalkii gaariga oo ahaay Askari iyo laba askari oo gaariga saarnaay.
Sidoo kale qarax kale ayaa ka dhacay agagaarka warshadda biya Caafi ee isla wadada warshadaha qaraxaasi waxaa lala helay ciidan DKMG ah katirsan balse lama oga khasaaraha ka dhashay, dilalka iyo qaraxyada qorshaysan ee ka dhanka ah AMISOM iyo xaabadeeda ayaa si xowlli ah uga socda magaalada Muqdisho.
SomaliMeMo
Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


