Dagaal saacado badan qaatay oo Afgooye ku dhaxmaray Ciidamada XSHM iyo kuwa Shisheeye.
Dagaal culus ayaa caawa ah ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose oo kamid ah degmooyinka ay xoogga ku qabsadeen cadawga shisheeye ee dalka kusoo duulay.
Hugunka rasaasta iyo madaafiic culus ayaa caawa laga maqlayay Afgooye iyo Laantabuuro, dagaalka ayaa ka dhacay dugsiga sare, Baar Ismaaciil iyo agagaarka saldhigga booliska Afgooye halkaasi oo marqura lagu arkay ciidamada mujaahidiinta oo ka dagaalamaya.
Dagaalka caawa ka dhacay Afgooye ayaa ka yaabiyay saraakiisha ciidamada shisheeye oo mooday in dagaalka ay ka fogeeyeen magaalada Afgooye balse caawa waxaa cadawga u caddaatay in khidadoodii dagaal fashilantay.
Ciidamada mujaahidinta oo gaadiidka dagaalka ku hubeysan ayaa ka dagaalamay Afgooye iyo duleedkeeda,inkastoo ay xilli habeen ah tahay hadane warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in dagaal saacad kabadan qaatay uu caawa ka dhacay deegaanka Laantabuuro ee duleedka Afgooye halkaasi oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidanka shisheye, mas’uul katirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in dagaaladii caawa dhacay khasaare badan lagu gaarsiiyay cadawga.
Sidoo kale dagaallo qaraar ayaa caawa wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ku dhaxmaray ciidamada mujaahidiinta iyo kuwa shisheeye rasaas culus iyo jugta madaafiicda garbaha laga gemo ayaa laga maqlay Ceelasha biyaha iyo Lafoole
SomaliMeMo
Muqdisho


