Askar ka tirsan DKMG oo Dhac iyo Kufsi ugu geystay Ganacsato Haween ah Deegaanka Xaawo Cabdi Duleedka Muqdisho.

Written by Maamul on .

Askar ka tirsan DKMG ayaa waxay Dhac hantiyadeed iyo kufsi deegaanka Xaawo Cabdi ugu geysteen Ganacsato Haween ah oo ka amba baxay Suuqa Qudaarta Degmada Xamarweyne kuna sii jeeday Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Mid ka mid ah Haweenkaasi ayaa SomaliMeMo u sheegtay inay ka ganacsadaan Qudaarta Muqdisho iyo Afgooye, iyagoona ka tagay Muqdisho kuna sii jeeday degmada Afgooye dhabaha u galeen Maleeshiyaadkaasi oo dhac hantiyadeed iyo Kufsiba kula kacay haweenkaasi Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka Hubaysan ayaa waxa ay haweenka Qoriyo ku istaajiyeen gaari ay saarnaayeen oo ku sii jeeday Degmada Afgooye, islamarkaana marayay deegaanka Xaawo Cabdi, halkasoo ay kaga qaateen lacag kaash dhan 13-Milyan oo Shilinka Somaiga ah, Mobile iyo dhibaatooyin kale oo ay kula kaceen haweenkaasi ka ganacsada Qudaarta si ay Caruurtooda oo qaarkood Agooma ah noloshooda ku maareeyaan.

“Dhibaato xoog leh oo aan laga sheekeyn Karin ayay noo geysteen, hantidii aan ku shaqeynaynay way naga dhaceen, Mobiladii aan wadanay way furteen xitaa haweenka Qaarkood way Kufsadeen” ayay tiri mid kamid ah haweenkii dhaca ay kula kaceen Maleeshiyaadka DKMG ee ku sugan wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maleeshiyaadkaasi iyo Madaxda DKMG, waxayna arrintan imaanaysaa xili ay sii kordhayaan dhibaateynta Dadka Shacabka ku nool Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy