Sarkaal ka tirsan Ashahaada la dirirka DKMG ah oo isku day dil ka baxsaday.

Written by Maamul on .

somalimemo.netKhaliif Ereg oo masuul ka ah maleeshiyaadka Ashahaada la dirirka ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta si dirqi ah kaga badbaaday weerar qorsheysan oo lagula eegtay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.


Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkaas ay gaarigiisa miino kula kacday meel aan sidaa kaga fogeyn difaac ay leeyihiin Cidamada Afrikaanta oo ku yaalla agagaarka KM4, waxaana qaraxa ka dib la arkaayay qiic madow iyo uuro hawada is qabsatay.


Askartii gaariga saarneyd ayaa dhimasho iyo dhaawac halkaas ku noqday, iyadoona sarkaal u hadlay maleeshiyaadka Ashahaada la dirirka uu sheegay masuulkooda Khaliif Ereg in aanu wax ku noqon weerarkaas.


Warar madax banaan ayaa sheegaya in Khaliif uu badbaaday isla markaana isagoo argagaxsan uu gaaray saldhiggiisa waxana uu diiday inuu la hadlo warbaahinta, taas badalkeedana waxaa hadlay sarkaal kale.


Waa weerarkii Labaad ee uu Khaliif Ereg ka badbaado hoorraantii bishii June ee sanadkan ayuu khatar ku galay weerar kamiin ah oo lagula eegtay agagaarka deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho waxaana weerarkan uu ka dhigayaa mid fashilinaya sheegashada Taliska nabad sugida inay sugeen Amaanka Magaalada Muqdisho.


Baacsashada sarkaalka ugu sareeya Ashahaada la dirirka Muqdisho ayaa calaamad weyn u ah sirdoonka Mujaahidiinta iyo sida habsamida leh ee uu kaga shaqeynayo gudaha Muqdisho, una abaabulayo howlgallada ceynkaas oo kale ah.


Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy