Dagaallo la isku miray oo xalay ka dhacay Degmada Balcad Sh/dhexe.
Dagaallo xoogan ayaa habeenimadii xalay ahaa ka dhacay Degmada Balcad, iyadoona weerar culus ku qaadeen Ciidamada Mujaahidiinta Fariisimo ay Maleeshiyada DKMG iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Degmadaasi.
Dagaalka oo la isku miray ayaa bilowday xili dambe oo xalay isagoo socday ku dhawaad hal saac iyo bar ayaa waxaa la isku adeegsaday Hubka culus iyo midka fudud, dagaalkaasoo ay guulo ka gaareen Ciidamada Mujaahidiinta ee fuliyey howlgalkaasi xalay ka dhacay Degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Xaafadaha degmada Balcad intii dagaalada ay socdeen waxaa laga maqlayay Dhawaqa rasaasta iyo Iftiinka ay bixinaysay oo dhammaan dadka ay hurdada ka tooseen.
Dagaalka ayaa markii dambe ku fiday Saldhiga Degmada Balcad iyo fariisimo kale oo ay ku sugnaayeen Ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyada DKMG, waxaana dhinacyadaasi lagu gaarsiiyey dagaalkii xalay qasaare fara badan.
Inta la ogyahay dagaalkii xalay waxaa lagu dilay 8 Dagaal yahano oo 3 ka mid ah ay yihiin Ciidanka AMISOM, sidoo kale tiro kale oo intaasi ka badana way ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhaawacyadooda loo soo daabulay saaka Magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta Soomaaliya oo howlgalkii xalay ka qeyb qaatay ayaa sheegay inay baacsi ku sameeyeen Maleeshiyada DKMG iyo ciidamada AMISOM.
Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa u muuqanaya kuwo sii xoojinaya dagaalada ka dhanka ah Cadowga ku soo duulay wadanka Soomaaliya, iyadoo xalay dagaaladaasina ay qeyb ka ahaayeen sil silado dagaalo ah oo ka kala dhacay Gobolada Sh/hoose, Sh/dhexe iyo gobolka Banaadir.
Liibaan Jeexow Cabdi
Muqdisho
