Askar ka trisan DKMG oo dhac u geystay Dukaamo ganacsi Xaafada Suuqa Xoolaha.

Written by Maamul on .

somalimemo.net

Askar ka tirsan DKMG ayaa xalay fiidkii dhacay dukaamo ganacsi oo ku yaala Xaafada Suuqa Xoolaha Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dhacaasina lagu eedeeyey Maleeshiyaadka Cumar Jacfaan.

Ragg hubaysan oo wata dareeska Askarta DKMG ayaa xalay fiidkii dhacay Laba Dukaan oo ku yaala Xaafada Suuqa xoolaha, Maleeshiyaadkaasoo ka qaatay lacago, Mobilo iyo Kaarar, waxayna ganacsatada dukaamadasi ku eedeeyeen inay dhacaasi u geysteen Maleeshiyaadka Cumar Jacfaan ka amar qaata.



Mid ka mid ah Milkiilayaasha dukaamada xalay la dhacay ayaa u xaqiijiyey SomaliMeMo in dukaamada oo isku dhawaa ay u soo galeen Shan Nin oo hubaysan ka dhaceen Lacago Kaash ah, Doollar, Mobilo iyo Kaararka lagu iibinayay dukaamadaasi, kuwaasoo markii ay Mehradaha ganasiga markii ay dhaceen baxsaday.



Milkiilayaasha waxay sheegeen inay maalin waliba Maleeshiyaadka Cumar Jacfaan halkaasi dhac iyo hanjabaadyo kala kulmaan ganacsatada, kuwaasoo ku hubaysan qoryo gacmeedyo iyo Bastoolado, cid wax ka qabanaysana aysan jirin.



Dhibaatooyinkaasi Maleeshiyada Cumar Jacfaan ka wadaan Xaafada suuqa xoolaha ayaa ah mid joogto ah, dhawaan ayay  dhac u geysteen dukaan ku yaala isla Suuqa Xoolaha Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.