Dagaallo Caawa Ka Dhacay Afgooye,Wararkii ugu dambeeyay Ee Dhaq dhaqaaqayada Sh.Hoose ka jira.
Dagaallo culus ayaa caawa ka qarxay gudaha degmada Afgooye iyo hareeraheeda kadib dhaq dhaqaaqyo ay saacadihii lasoo dhaafay ay sameeyeen ciidamada kufaarta Afrikaanta ah ee kusoo duulay ku dhaqanka sharicga islaamka.
Caawa fiidkii ayuu dagaalka xooggiisa bilaawday Saldhigga ay ciidanka cadawgu ka sameysteen Laantabuuro kadibna dagaaladu waxay ku fidiyeen gudaha degmada Afgooye halkaasi oo ay ku wada suganyihiin maleeshiyaadka DKMG ah iyo AMISOM.
Jugta madaafiicda iyo rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa koontaroolka Baar Ismaaciil illaa iyo saldhigga Booliska, dagaalka caawa Afgooye ka socda ayaa si qorshaysan lagu bartilmaameedsanayaa saldhigyada cadawga.
Saraakiil katirsan ciidanka mujaahidiinta ayaa si hordhac ah u sheegay in ciidankooda ay qabsadeen baro koontarool islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan natiijada dagaalka Afgooye.
AMISOM Oo Dib uga guratay deegaanno ay saaka kusoo siqday.
Ciidamada shisheeye oo saaka aroortii isku fidiyay deegaanka No.50 ee wilaayada Shabeelaha Hoose wax iska caabin ah kalama kulmin mujaahidiinta balse saacado kadib ayay ciidanka cadawga dib ugasoo gurteen halka loo yaqaan Dhanaane oo dhanka wadada Xeebta ah iyo Ceel Biyood ku dhaw No.50.
Ilo wareedyo ay SomaliMeMo ka heshay qorshaha is fidinta AMISOM ayaan ku ogaannay in ciidanka shisheeye doonayaan in ay wilaayada Shabeelaha Hoose ku abuuraan kooxo Mooryaan ah oo horay u dhibaateeyay shacabka Shabeelaha Hoose.
Wilaayada Islaamiga Shabeelaha Hoose weli wax war ah kamasoo saarin duulaankan cusub oo ay cadawga shisheeya kusoo qaadeen deegaanno katirsan Shabeelaha Hoose, saacad walba waxaa lafilan karaa dagaal maadaama ciidamada mujaahidiinta ay weli xooganyihiin ayna iyagoo jabhado ah waddooyinka ugu jiraan cadawga.
Warar lagu kalsoonyahay waxay tilmaamayaan in cadawga uu horboodayo taliye maleeshiyaad horay uga tirsanaay ciidanka Yuusuf Indha Cadde oo lagu magacaan Mudan.
SomaliMeMo
Marka,Somaliya


