Mahiga oo uga digay Odayaasha Dhaqanka in ay soo xulaan Xildhibaano ay ka muuqato Sunadda Nabigeena (NNKH)
Odayaasha Dhaqanka Soomaalida ayaa sheegay in Mahiga uga digay Odayaasha in ay soo xulaan Xildhibaano ay ka muuqato Sunnadda Nabigeena (NNKH), kuwaas oo uu sheegay inaan lagu soo dari karin Liiska Xildhibaanada cusub ee bedelaya kuwa hadda jira.
Mahiga ayaa sheegay in qof kasta oo ay ka muuqato Sunnadda Nabigeena (NNKH) aan lagu darin Liiska Xildhibaanada Cusub, isagoo wada qorshe ballaaran oo uu ku doonayo in laga horistaago Xildhibaanada cusub inay ka mid noqdaan dad lagu tuhmayo Diin.
“Ninkan Mahiga ah waxa uu diidan yahay dadka ka midka noqonaya Baarlamanka Cusub in lagu soo daro dad ay ka muuqato Sunnadda Nabigeena (NNKH), wuxuu doonayaa in Liiska laga buuxiyo dad aan waxba garanayn oo aan kala aqoon Xumaata iyo Wanaaga si danaha Gaalada u meel mariyaan”.
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda howlo lagu soo xulayo Baarlamanka cusub, kadib markii la Ansixiyey Dastuur Gaaleedka Mahiga, iyadoona Diidmada Mahiga inay galaan Baarlamanka cusub xubno ay ka muuqato Sunnadda Nabigeena (NNKH) waxay tilmaam u tahay dagaalka Diinta Islaamka lagula jiro.
