Gaadiid AMISOM Looga Gubay Weerar Ka dhacay Lafoole.

Written by Maamul on .

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar kamiin ah oo maanta ka dhacay wadada isku xirta muqdisho iyo Afgooye.

Gaari booyad ah oo ay isticmaalayeen ciidamada shisheeye ayaa gubatay gaari taaw ahna waxyeello xoogan ayaa gaartay kadib markii ay ciidamada muslimiinta wadada ugaleen kolonyo katirsan ciidanka Uganda.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka muslimiinta ay gantaalada garbaha laga gemo laheleen gaari booyad ah oo xiligaasi shidaal siday,goobta weerarkani ka dhacay oo ah degmada Lafoole waxaa dagaal culus ka galay cidamada mujaahidiinta.

Amaanka wadadan ayaa aad u xumaaday waxaana lagu beegsanayaan gaadiidka sahayda u sida cadawga, cadawga ayaa degmada Afgooye qabsaday 25,May,2012 wixii xiligaasi ka dambeeyay ayay mujaahidiintu howlgaladooda jihaadiga ah halkaasi ku xoojiyeen.

SomaliMeMo
Muqdisho

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy