Qaar ka mid ah Masaajidda Xaafadda Towfiiq oo Caawa laga diiday in lagu Tukado Salaada Taraawiixda.

Written by Maamul on .

somalimemo.netMaleeshiyo badan oo hubaysan ayaa Caawa Salaadda Maqrib kadib isku gadaamay Xaafadaha Towfiiq Degmada Yaaqshiid, iyadoo dadka shacab ahna ay u diideen inay ku Tukudaan Salaada Taraawiixda iyo Ceshaha qaar ka mid ah Masaajiddaasi.

Goob joogayaal ku sugan Xaafadda Towfiiq ayaa goor dhow u xaqiijiyey SomaliMeMo Xafiiska Muqdisho in Mid ka mid ah masaajidda ugu caansan Xaafadaasi laguna magacaabo Masaajidka Akhwaanka ay gudaha u galeen Maleeshiyaad hubaysan, iyagoo ku amray Jameecadii ku dukanaysay Masaajidka inay isaga baxaan.

Maleeshiyaadka qaarkood waxay koreen Minaarada Dheer ee Masaajidka iyagoo hubaysan halka qaarkoodna xaafadaha ku dhow Masaajidka isku gadaamay iyagoo dadka shacabka ah u diiday inay guryahooda ka soo baxaan.

“Salaada Maqrib kadib ayaan aragnay maleeshiyaad badan oo xaafadaha meeraysanaya Masaajid dhowr ah ayay galeen oo ka mid ah Masaajidka Akwaanka xiligaasi Salaada Cesha ayay Jameecadu gali rabtay in Salaada Taraawiixda lagu tukado way diideen, Minaarada kore ayay dhakada ka fuuleen” ayuu yiri Ruux ka mid ah dadka deegaanka oo Caawa noo xaqiijiyey ficilkaasi xun oo ay ku kaceen Maleeshiyaadkaasi.

Lama soo sheegin inay Dad Culumo ah iyo dhalinyarada deegaanka la baxeen maleeshiyaadka Caawa Xaafadaha Towfiiq dhaq dhaqaaqyada ka wada.

Maleeshiyaadka DKMG ayaa looga bartay ficiladan iyo kuwo kale oo ka sii daran, iyadoo habeenkan caawa ay noqonayso habeenkii ugu horeeyey Salaad Taraawiix ah aan lagu tukan qaar ka mid ah Masaajidada Xaafada Towfiiq Degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, dadkuna aad ayay uga caroodeen falkan Wuxuushnimada ah oo ay ku kaceen Maleeshiyaadkaasi.

Dhinaca kale qaraxyo iyo rasaas xoogan ayaa caawa laga maqlay xaafadda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile  dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogag mujaahidiinta katirsan iyo maleeshiyaad Ashahaadda ladirir ah ay dagaalamen.

Liibaan Jeexow Cabdi
SomaliMeMo Muqdisho

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy