Shacabka Xaafada Towfiiq oo Cambaareeyey Talaabadii loogu diiday in ay masaajidada ku tukadaan Salaada Taraawiixda.

Written by Maamul on .

Ciidamo Afrikaan ah iyo Maleeshiyaadka Ashahaado la dirirka PS-ta oo xalay Shacabka Xaafada Towfiiq qaar ka mid ah u diiday in masaajidada lagu tukado Salaada Taraawiixda ayaa talaabadaasi waxaa Cambaareyey waxgaradka Xaafadahaasi.


Xalay Masaajidada Xaafada Towfiiq qaar ka mid ah waxa gudaha u galay Ciidamada Afrikaanta iyo Maleeshiyada Ashahaado la dirirka PS-ta, waxayna shegeen inay hub ka baarayaan masaajidadaasi.


“Xalay habeen madow ayay noo ahayd, Salaadii Taraawiixda waa naloo diiday inaan Tukano, Masaajidka waxay yiraahdeen hub ayaa ka baaraynaa, wax ay ka heleen ma jirto xaafadihii ayay nagu celiyeen balaayo madow alle haku ride” waxaa sidaasi yiri qaar ka mid ah Shacabka ku nool Xaafada Towfiiq Degmada yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho oo loo diiday inay Masaajidada ku tukadaan Salaada Taraawiixda ah.


Maleeshiyaadka Ashahaado la dirirka PS-ta oo gafuurada u duubnaa waxay wateen Tuushash iyo gaadiid dagaal, mana jirto cid ka mid ah dadka deegaanka haddii ay ahaan lahaayeen Culumada iyo Dhalinyarada ay la baxeen, marka laga reebo inay shacabka u diidaan Masaajidka inay Salaada Taraawiixda ah lagu Tukado.


Falkan ayaa ka mid ah falalka Maleeshiyaadka Ashahaado la dirirka lagu soo tababaray inay koobaha masaajidada ee lagu Cibaadeysto inay carqaladeeyaan islamarkaana dadka muslimiinta ah ka hor istaagaan inay cibaadeystaan, maadaam ay iyagu cibaadadii alle gabeen kana doorbideen inay Gaalada u adeegaan.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy