Dagaallo Gaadiid lagu gubay oo galabta iyo Caawa Ka Kala dhacay No.50,Ceelasha Biyaha.

Written by Maamul on .

somalimemo.netCiidamada mujaahidiinta ayaa galabta weeraro culus ku qaaday ciidamo ka tirsan shisheeyaha Kuffaarta Afrikaanta ee ku soo duulay ku dhaqanka shareecaha islaamka ee dalka Somaaliya.

Maanta gelinkii dambe ayay ciidamada muslimiinta weerareen kolonyo ka tirsan ciidanka shisheeye oo ku socdaalayay halka lagu magacaabo Ceel Saliindi ee dhacda agagaarka No.50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Mujaahidiinta ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen kolonyo ciidan ah ay ku gubeen gaari Taaw ah Sedax kalane ay waxyeello xoogan gaarsiiyeen.

Weerarkan dhabagalka ah ayaa isku bedelay dagaal muddo daqiiqada ah socday, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidanka shisheeye oo jiidanaya gaadiidkii laga gubay ay dib ugu laabteen Garoonka No.50 halka ciidanka mujaahidiinta ay ku sugan yihiin Ceel Salinda.

Dhanka kale Kamiin galabta ka dhacay deegaanka Ceelsha Biyaha ayaa khasaara xoog leh lagu gaarsiiyay ciidamada AMISOM, goob joogayaal ayaa sheegay in gaalada laga gubay gaari Taaw ah lana gaarsiiyey khasaaro ah dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkii galabta ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada shisheeye ay walaac ka muujiyeen abaabulka dagaal oo ay wadaan mujaahidiinta Somaaliya.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy