Ugu yaraan lix askari oo ku dhimatay Qarax galabta ka dhacay degmada Hilwaa.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso oo meelaha fog laga hago ayaa ka dhacay goob isbaaro oo kutaal xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa ee magaalada muqdisho gaar ahaan agagaarka Warshada nac naca.
Xilligii qaraxa uu dhacayay ayaa waxaa goobta ku sugnaa maleeshiyaad fara badan kuwaasi oo isgu jiray kuwa lacagaha baada ka qaada gadiidka dadwaynaha ee wadadaasi isticmaala.
Xaafada badan oo ka mid ah degmada Hilwaa ayaa laga maqlay qaraxani maleeshiyaadka lagu beegsaday iyadoo maleeshiyaadkii isbaarada joogay ay dhimasha iyo dhawc ku naqdeen qaraxaasi miino.
Warar laga helayo goob joogayaasha ayaa kuwaramaya in ilaa lix ka tirsan maleeshiyaadka ay goobta ku dhinteen halka tira intaasi ka badan ay ku dhawacmeen kuwaasi oo lagu daabulay gawaari goobta ka agdhawayd kuwaasi ay ku doonayeen in lagacaha gadiidka wayanaha ka qadaan in ay ku daabulaan
Maleeshiyaad dheeraad ah ayaa goobta soo gaaray iyagoona bilaabay in rasaas ku furan dadka ku sugan xaafada ku hareeraysan goobta qaraxa uu ka dhacay.
Waxaa sidoo kale hakad galay adeegyadii bulshada ee wadada isku xirta suuqa xoolaha ilaa isgoska Soos ka dib qaraxa markii uu dhacay.


