Qarax khasaare lixaad leh geystay oo maleeshiyaadka lagula eegtay Ex-Control Balcad.
Qarax weyn ayaa galabta gabal gaabkii waxaa uu ka dhacay Isgoyska Ex-control Balcad halkaas oo lagu beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaad ka tirsan DKMG ah iyadoona khasaare lixaad leh uu soo gaaray.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in gabi ahaanba gaarigu uu ku burburay qaraxa isla markaana askartu dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen, waxaana la xaqiijiyay 14 askari oo gaariga saarneyd 3 kaliya in ay ka badbaadeen kuwaas oo iyagoo dhaawac halis ahi qaba meesha laga qaaday.
Dadka qaarkood ayaa sheegaya qaraxaas inuu ahaa midki ugu darnaa ee soo mara dagaanadaasi marka loo eego khasaaraha ka soo gaaray maleeshiyaadka, waxaana meydadka oo is dhex daadsan ay in muddo ah yaalleen goobtaas.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa inoo sheegay in weerarku uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana ay intaas ku dareen in maleeshiyaadka ku sugan degmada Heliwaa aaney hurdo ku ladi doonin deegaanada degmadaas.


