Dhaq Dhaqaaq ka jira duleedka Dhuusamareeb.

Written by Maamul on .

somalimemo.netDhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka jira demooyin iyo deegaanno ka tirsan wilaayada islaamiga Galguduud ee bartamaha dalka Somaaliya xilli ciidanka Xabashida ay dhawaan isaga bexeen degmada Ceelbuur iyo deegaano hoos yimaad.

Xiisado kacsanaan ah ayaa lagasoo sheegayaa degmada Dhuusamareeb ee Wilaayada Galguduud oo bilihii lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen ciidamada amxaarada iyo maleeshiyaad mushriliin ah.

Wararka nagasoo gaaraya Dhuusamareeb ayaa xaqiijinaya in ciidamo badan oo mujaahidiinta ka tirsan ay gaareen deegaanka Madax siriq ee duleedka Dhuusamareeb.

Ciidamada mujaahidiinta oo gaadiidka dagaalka wata ayaa Madax Siriq difaacyo ka sameystay waxayna wararku sheegayaan in ciidanka muslimiinta ay roondeyn ka bilaabeen Geed Timirka oo 5 KM ujira magaalada Dhuusamareeb.

Kooxaha mushrikiinta ee Dhuusamareeb ku sugan oo dareemay dhaq dhaqaaqa mujaahidiinta ayaa dhankooda feejignaan galay, ilo wareedyo ay SomaliMeMo soo xiganeyso ayaa sheegaya in mujaahidiintu ay dib usoo ceshteen difaacyadii ay ka joogeen duleedyada Guriceel iyo Dhuusamareeb taasi oo ka dhigan in gacan ku heynta Galguduud ay sideedii hore kusoo laabatay.

SomaliMeMo
Ceelbuur