Sheekh Cali Dheere "Waxaan la soo kulanay dad ku faraxsan jabka cadowga oo Mujaahidiinta u hambalyeynaya" (Wareysi).

Written by Maamul on .

somalimemo.netAfhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max'uud Raage "Sheekh Cali Dheere" ayaa ka warbixiyay socdaal in muddo ah isaga iyo wafdi uu hogaaminayey ay ku soo mareen dagaano kala duwan oo ka mid ah Wilaayaadka Islaamiga ah ee Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-andalus ayaa Sheekh Cali Dheere wuxuu tilmaamay socdaalkooda in ay xoogga ku saareen dagaanadii bishii June ay ka carareen Ciidamada Xabashida ee Wilaayada Galgaduud.

Sheekh Cali Dheere ayaa xusay in ujeedka socdaalkoodu uu ahaa sidii ay ugu kuur geli lahaayeen dareenka dadka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee Wilaayada Galgaduud, kuwaas oo hadda ka soo kabsanaya duulaankii gardarrada ahaa ee Wilaayadaas ay ku soo qaadeen Ciidamada Xabashida Itoobiya.

Socdaalka Ceelbuur

Afhayeenka
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in degmada Ceelbuur ay kula soo kulmeen dad isku duuban oo isugu hambalyeynayay guushii ay ka gaareen halgankii ay kaga soo horjeesteen Ciidamada Xabashida ee qabsaday degmada Ceelbuur bishii March ee sanadkan, balse isaga cararay halkaas ka dib dagaallo xoog leh oo ay la kulmeen.

Sheekh Cali Dheere iyo wafdigiisa ayaa kulamo kula qaatay gudaha degmada Ceelbuur iyo dagaanada hoos yimaada qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka dagaanadaas, isagoona sheegay in ay ku bogaadiyeen sidii kartida laheyd ee dadnimadooda ay u difaacdeen kolkii ay Xabashidu soo weerareen Ceelbuur iyo dagaanada kale.

Dhanka kale Sheekh Cali Dheere ayaa xusay in waxgaradka iyo odayaasha ka soo jeeda dagaanadi ay soo mareen ay kula ballameen gacan in laga geysto sidii dadka reer Guriceel iyo Dhuusamareeb looga dul qaadi lahaa cadowga dul fadhiya, ayna dib u heli lahaayeen sharaftooda.

Dhaq dhaqaaqii cadowga

Afhayeenka
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ka hadlay halka ay ku danbeeyaan ciidamadii Xabashida ee isaga huleelay Ceelbuur iyo Wabxo ayaa sheegay in ay badankood ku sugan yihiin isgoyska Kalabeyr ee Wilaayada Hiiraan, halka qeybo kalena ay difaacyo ku leeyihiin degmada Guriceel ee Wilaayada Galgaduud.

Waxaa uu intaas raaciyay in ciidamadii Xabashida ee soo weeraray dagaanada Wilaayada Galgaduud ay la kulmeen ciqaab xanuun badan oo hogaamisay in ay isaga cararaan dagaanadaas, waxaana uu rajo ka muujiyay wilaayada oo dhan in laga saaro.

Difaacyada Dhuusamareeb

Sidoo kale wafdiga madaxda uu hogaaminayay Sheekh Cali Dheere oo ay la socdaan saraakiisha Ciidamada Mujaahidiinta Wilaayada Galgaduud ayaa socdaal kormeer ah ku soo maray aagaga dagaalka ee Mujaahidiintu ay kaga sugan yihiin duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Cali Dheere ayaa ciidamada Mujaahidiinta kula soo hadlay dagaanka Madax sariiq halkaas oo ay ribaad kaga jiraan ciidamo fara badan oo ka mid ah Mujaahidinta Wilaayada Galgaduud, waxaana socdaalka wafdiga ee dagaanadaas uu cabsi ku abuuray cadowga ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Halkan Ka Dhagayso Q.1aad ee Wareysiga Sheekh Cali Dheere ama Gujji MP3

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy