Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo PS-ta oo ku soo batay magaalada Muqdisho.
Waxaa magaalada Muqdisho ku soo batay dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah maleeshiyada PS-ta, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey magaalada lagu dilay tiradii ugu badnayd oo PS-ta iyo Askarta kale ah.
Saacadihii la soo dhaafay magaalada muqdisho waxaa lagu dilay Saraakiil, Ciidamo iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa DKMG Soomaaliya kuwaasoo lagu kala dilay degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.
Habeen ka hor Degmada Yaaqshiid waxaa lagu qaarajiyey Axmed Feyte oo ahaa Sarkaal la shaqeeya maamulka Degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa uu qeyb ka ahaa Silsilada dilalka qorsheysan ee habeen iyo maalinba ay XSHM la bartilmaameedsanayaan Ciidamada iyo mas’uuliyiinta kale DKMG ah.
Dilalkan oo ka soo badanaya sidii hore ayaa waxay abuurtay inay xaalad cabsi ah ku abuurto Fak faktii Askarta PS-ta oo markii hore dhibaato culus ku hayay dadka shacabka ah, iyadoona ay jiraan qaar ka mid ah Askartaasi oo qorsheysanaya inay dalka isaga baxaan, kadib markii ay maaro u waayeen inay is difaacaan.
16-ka Degmo Gobolka Banaadir ayay si toos ah uga socdaan howlgaladaasi lagu bartilmaameedsanayo Askarta DKMG, waxayna si gaar ah Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin juhdi ku bixiyaan sidii ay u qaarajin lahaayeen kuwa loogu yeero PS-ta.
Tirada bishan kaliya lagu dilay magaalada Muqdisho ma ahan mid lasoo koobi karo, waxaana celcelis ahaan lagu qiyaasaa 42 ka tirsan Maleeshiyaadka kala duwan dowladda KMG iyo mas’uuliyiin heer degmo ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Wilaayada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolka Banaadir oo howlgalada wada ayaa sheegay inay sii socon doonaan, ilaa ay ka burburayaan Askarta kala duwan DKMG Soomaaliya oo dadka shacabka ah dhibaato ku qaba.
