Masuul ka tirsan Maamulka Shabeelaha Dhexe ee DGMG-ka oo Dil ka badbaaday.

Written by Maamul on .

Qarax xoogan ayaa xalay nawaaxiga Ex koontarool Balcad lagula eegtay gaari ay saarnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Shabeelaha Dhexe DKMG, waxaana la sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen Saraakiil ciidan oo saarnaa gaariga la qarxiyey.


Ilo wareedyo ku suganaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa SomaliMeMo u sheegay in burbur xoogan uu gaarsiiyey qaraxa gaariga lagu weeraray.


Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa qabsaday mid ka mid ah gaadiid uu saarnaa Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe ee DKMG iyo Mas’uuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Saraakiil Ciidan.


Waxaa la sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen laba Sarkaal halka laba kalena ku dhaawacmeen sida ilo lagu kalsoon yahay ay noo xaqiijiyeen, iyadoo saraakiisha dhaawacantay uu ka mid yahay Yuusuf Cabdi Cabdulle oo uu  dhaawaciisu aad u liito.


Weerarkaasi lagu waxyeeleeyey masuuliyiinta Gobolka Sh/dhexe DKMG waxaa fuliyey XSHM oo qaraxaasi u adeegsaday Miinada nooca meelaha fog laga hago.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy