Banaan baxayaal taageerayay Farmaajo oo lagu rasaaseeyay fagaaraha Sayidka ee Muqdisho.
Inta la ogyahay 2 ruux ayaa ku geeriyootay rasaas oodda looga qaaday taageerayaasha R/Wasaarihii hore ee DKMG Max'ed C/llaahi Farmaajo kuwaas oo dhigayay dibad bax ay ku taageersan yihiin Farmaajo iyadoona ay ka dib soo weerareen maleeshiyaad taabacsan Shariif Sh Axmed.
Sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah oo goor dhaweyd aan la xiriirnay waxaa dadka dibad baxa dhigayay oo isugu soo uruuray barxadda sayidka ay rasaaseyn kala kulmeen laba gaari oo midkood ay ku dheganaayeen sawirada madaxa DKMG ah Shariif Sh Axmed.
2-da qof ee dhimatay ayaa la sheegayaa inuu ku jiro askari ka tirsan DKMG ah kaas oo isku dayay inuu hor istaago gaari la sheegay in la jiirsiiyay dadkii dibad baxa dhigayay, waxaana lagu kala yaacay durbadiiba goobtaas oo difaacna ay kala xirteen maleeshiyaadka.
Maleeshiyaad fara badan oo ka kala tirsan qeybaha DKMG ah ayaa goobta soo gaaray iyagoona gaari cod baahiye lagu soo xiray kula hadlay dadweynaha waxaana ay u sheegeen in ay ka kala tagaan goobtaas, maadaama amaanku uu faraha ka baxay.
Waa dhacdadii ugu horeysay ee isku dhac khasaare geystay oo dhexmara taageerayaasha murashaxiinta madaxtinimada DKMG ah, iyadoona xafiiltan aad u weyn uu ka dhexeeyo Shariif Sh Axmed iyo Farmaajo oo xilligii uu R/Wasaaraha ahaa muran badan ka dib xilka laga qaaday.


