Xarakada Shabaabul Mujaahid oo ka hadashay xaaladda Meles Zenawi.

Written by Maamul on .

somalimemo.netHogaanka Xarakada Shabaabul Mujaahid ayaa markii ugu horeysay hadal ka soo saaray xaaladaha murugsan ee dalka Itoobiya iyo midda caafimaad ee R/Wasaaraha dalkaas Meles Zenawi, iyadoona Mujaahidiintu ay sheegeen Zenawi  inuu ahaa cadow soo jireen ah oo ay leeyihiin Muslimiinta geeska Afrika.

Isago wareysi siinayay Idaacadda Islaamiga ah ee Alandalus ayaa afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahid Sheekh Cali Max'uud Raage "Sheekh Cali Dheere"  wuxuu tilmaamay in maamulkii Tigreega ee Zenawi uu la burburayo geerida Zenawi, arrinkaasna uu farxad u yahay Muslimiinta Bariga Afrika.

"Muddo badan ayuu Muslimiinta dhib badan iyo hagardaamo ku yahay, Soomaaliyana dhibaato badan ayuu u geystay, jabhado ayuu sameeyay, hogaamiye kooxeedyo ayuu soo adeegsaday, ilaa markii danbe isagoo duulaan ah uu yimid, dalkana ay hadda joogaan ciidamadiisa, laakin Alle idankiis gaalo jabkeeda waa qarsataaye waxaan rajeyneynaa in Zenawi oo xakumaya Itoobiya aanu dib u soo laaban doonin"

Tan iyo bishii hore waxaa war iyo wacaal loo heyn halka uu ku danbeeyay kaligii taliyihii xaasdka ahaa ee dalka Itoobiya Meles Zenawi kaas oo markii dadka ugu wardanbeysay la sheegay inuu xanuunsanayay, muuqaalkiisuna uu aad isu badalay sababo la xiriira xanuunka soo ritay.

Dawladda Itoobiya ee Tigreega ah ayaa diiday caddeymo dheeraad ah  in ay ka bixiso xaaladda dhabta ah ee Zenawi, iyadoona mucaaradka Itoobiya ay sheegeen in ay suuragal tahay Zenawi inuu galbaday balse la qarinayo, hayeeshee Barakat Simon oo u hadlay dawladda Tigreega ayaa ku adkeystay Zenawi inuu daalay oo cusbitaal ku nasanayo.

Haddii uu dhinto waxey bog cusub u furi doontaa siyaasadda gobolka Geeska Afrika.

Taageerayaasha Zenawi ayaa ku sheegaya R/Wasaaraha Itoobiya halyeygii Geeska Afrika, laakin mucaaradka ayaa dhankooda bogaga Internet-ka ku soo daabacay cudurka Kansarka oo dilay nin kale oo kansar ahaa.