FAAH-FAAHIN: Qarax Xabashida Itoobiya lagula eegtay magaalada Baladweyne
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta gelinkii hore Xabashida Itoobiya gaadiid ay wateen Qarax Miino lagula eegtay gudaha Magaaladaasi.
Ciidanka Xabashida markii qaraxa Miino lala eegtay kolonyadii gaadiidka ay saarnaayeen waxay afarta jiho u fureen rasaas xoogan, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen rasaasta kadib inay si bareer ah u toogteen Dad shacab ah.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa waxaa ku baqtiyey Saddex Xabashida Itoobiya, kuwaasoo markii ay ku dul baroorteen meydadka ku xanaaqay dadka shacabka ah islamarkaana toogasho ku dilay laba ruux oo rayid ah.
Xabshida Itoobiya ee ku ilaaliya Baladweyne maamulka DKMG waxay magaalada ku sharciyeeyeen in dadka aysan banaanka u soo bixi Karin ilaa laga gaaro lixda duhurnimo.
Maalmo ka hor ayay toogeen xabashida Itoobiya Nnin ka mid ah Ganacsatada Magaalada Baladweyne xili ninkaasi uu marayay xaafada Xaawo Taako Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
