Warbaahinta Somalimidnimo Oo Hawada Ka Maqan
Muddo saacado ah waxaa hawada ka maqan shabakadda Islaamiga Somalimidnimo.com oo ka mid aheyd warbaahinta Afka Soomaaliga ee wax ku daabacda qeyb weyna ka qaadanaysay difaaca diinta iyo dalka.
Shabakadda ayaa waxaa ku taxnaa malaayiin Muslimiin Somaali ah iyo kuwa aan Somaali aheyn oo wararka iyo wabixinada ka daalacan jiray, maamulka Shabakadda ayaa shalay soo qoray war kooban oo ay ku sheegayaan in ay shaqadii si KMG ah u joojiyeen kadibna Hawada ayay Somalimidnimo ka baxday.
Wariye katirsan SomaliMeMo ayaa laxariiray mid ka mid ah mas'uuliyiinta Shabakadda balse wax jawaab ah kama helin illaa iyo hadda waana tan keentay in aan daabacno warkan ku aadan maqnaashiyaha shabakadda oo muhiim u aheyd bulshada waqtigan adag ee dalkeena Somaaliya marayo.
GOB-ISLAM ayaa shabakadda gacanta ku hayay inta badan howl-wadeenada Somalimidnimo ayaa gudaha Somaaliya ku sugan waxaana dhici karta in Intenet-ka uu ka ciladeysan yahay ama in qolooyin cadaw ah weerareen shabakadda balse illaa iyo hadda wax faah faahin ah lagama hayo sababta ay Somalimidnimo hawada u faarujisay.
Shabakadda islaamiga ayaa banaanka soo dhigtay khaladaadka wadaada xumayaasha Somaaliyeed gaar ahaan Ururka Al Ictisaam oo Barnaamijyo Documentary ah ay ka diyaarisay.
Safxadda ay SomaliMidnimo ku leedahay Facebook-ga iyo Twitter-ka ayaa iyana weli wax war ah lasoo dhigin.
Wixii kusoo kordha xaaladda Somalimidnimo dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'allaah
By SomaliMeMo Editor
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


