Bayaan ka soo Baxay Dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF). Somali iyo English
Shabakadda SomaliMeMo oo horay u baahisay warbixin ay diyaarisay Shabakadda Islaamiga ah ee AmiirNuur oo ku saabsanayd Ha'adda MSF ayaa waxaa soo gaaray Qoraal kasoo baxay Xafiiska MSF ee magaalada Nairobi kaas oo ay Ha'addu kua Jawaabayso Qoraalka lagu soo daabacay Shabakadda AmiirNuur ee ay soo xigatay SomaliMeMo.
Qoraalka Ha'adda MSF ayaa u qornaa sidan
MSF waxay beenineysaa eedeymaha lagu daabacay booga intarnetka ee AmirNur kuwaas oo ka dhanka ah shaqada ay ka qabato Somaliland
Isbitaalda ay ka howlgasha MSF ee ku yaala Soomaaliland iyo Soomaaliya waxay leehyihiin taariikh dheer marka ay timaado yareynta dhimashada dhalaanka waxeyna bulshooyinkaas ka haysataa taageera weyn maadaama hay’adda ay u shaqeeyaan shaqaala caafimaad oo leh tawabar fiican islamarkaana ay adeegyada ku bixiso nidaamka ugu haboon.
Lixdii bilood ee ugu horeysay sanadka 2012, kooxaha caafimaadka ee MSF waxey fududeeyeen ilaa 2,340 dhalma, waxayna qaliin ku sameeyeen hooyooyin gaaraya ilaa 700, taas oo ah in ka badan nuskiba kiisaska xaaladda degdegga ah ee dhalmada oo la keena isbitaalka magaalada Burco, oo ah xarunta caafimaad ee kali ee bulshada ee ku taala gobolka Togdheer.
Tan iyo markii MSF ay bilowday in ay ka howl gasho Burao bishii Janaayo 2011, tirade bukaanka la qaabila sadex jeer ayey kor u kacday, waxaana yaraaday dhimashada caruurta. Tirada bukaanka oo badan awadeed, MSF haatan waxay balaarineysaa qeybta daryeelka hooyooyinka uurka leh ee isbitaalka.
Somaliland gudaheeda tirade dhimashada caruurta waxay gaareeysaa ilaa 1,044 min boqolki kun ee dhalmo. Sidaa darted, waxay ka mid tahay meelaha ugu xun ee lagu dhalo. Shantii qof ee dumar ah mid ka mid ah oo kali ayaa leh khibrad umulisanimo.
Sanadkii 2011ka, MSF waxay daryeel caafimaad siisay ilaa 4,000 oo ah caruur da’adoodu ay ka yartahay 5 sano jir, waxay fududeysay dhalmada in ka badan 2,700 oo caruur ah waxayna Somaliland ka sameysay 671 kiis oo ah qaliinka dhalmada. MSF waxay wasaaradda caafimaadka ku wareejisay mashruucyadeedi Hargeisa (2011) iyo Ceerigabo (2012).
MSF statement in response to false accusations against its work as posted on AmirNur website
MSF strongly denies the accusations against its work in the self-declared republic of Somaliland as posted on the AmirNur website.
The hospitals operated by MSF in Somaliland and in Somalia have a long history of reducing maternal and infant mortality in the communities and retain strong and widespread community support due in part to our medical expertise and the culturally appropriate delivery of such health services.
In the first six months of 2012, MSF medical teams have assisted 2,340 deliveries and performed 700 surgeries, more than half for obstetrical cases in Burao (Burco) general hospital, the only public health facility in the Togdheer region.
Since MSF started operating in Burao in January 2011, admissions have tripled and mortality rates have dropped in the maternity. Due to the very high numbers of patients, MSF is currently extending the maternity ward.
In Somaliland maternal mortality rates are 1,044 per 100,000 – making it one of the worst countries in the world to give birth. Only one in five women has a skilled medic attend during labour.
In 2011, MSF provided care to more than 4,000 children under five, assisted more than 2,700 births and carried out 671 surgical procedures in Somaliland . MSF handed over its projects in Hargeisa (2011) and Ceerigabo (2012) to the Ministry of Health.
Halkan ka eeg website-ka MSF
