Maxaad ka Taqaanaa MARA BOOB-ta CUSUB? Maqaal By Samiira,
Asalaamu caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu. Bismillah Walxamdulillaah Wa Bacdu: Mahad oo dhan ALLAAH ayey u sugnaatay Naga Dhigay Muslimiin, Waxaan halkan ku soo gudbinayaa Maqaal aan ugu magac daray Mara Boobta Cusub!! Wuxuuna ka kobnaan donaa maqalkaani 4 Qaybood.
* Mahad celinta alle ka sokow aan u mahad celinayo Ahlul Xaqqa.
* Is dul taag magaca Maqaalka.
* Dardaaran Ahlul khayrka.
* Dardaaran Ummada Luuqadan ku hadasha.
Mahad celinta ALLAAH Kadibna waxaan u mahadcelinayaa walaalahayga Ahlul Xaqqa ah, Walaalaha ku abtirsada AhluTawxiidka ee aan isku mashquulin una jawaabin ninka ayaamahan doonaya inuu ku soo caan baxo Sheikhal Islaam Sheikh Hassaan Hussein Adam Hafidahulah, waxaan aad ugu faraxsanahay Sida wanaagsan ee ay Ahlu TAwxiidku u fahamteen ujeedada u wayn ee ninkaasi in ay tahay isa soo caan bixin iyo hebel ayaa Sheikh Xassaan Maqaal ka qoray.
Waxan odhan karaa Walaalahayga Ahlu Tawxiidka ah aamuska ay ka aamuseen ninkaan waa calaamdaha lagu garto ahlul Xaqqa, waxaadna ku hesheen bilad sharaf, ma mudna in loo jawaabo qof uu mustawihiisu yahay caynkaan oo kale, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Qofka hadal kugu dila aamus ayaa lagu dilaa.
Waxan leeyahay ama aynu leenahayba Qaar kaa garaada wayn ayaa laga aamusay ka dibna iska quustay, In laguu jawaabana hawl ka wayn ayaa noo taala Waxaan aad uga xumahay in aadan la socon wakhtiga la marayo.
Ma wakhti aan ku mashquulno MARA BOOB CUSUB baa? Jawaabtaas qof kastaa gurigiisa ha iskugu jawaabo, Lakiin annigu jawaabtayda waxan odhanayaa waa maya waayo kuwa G24 ku jira ayaanba jawaab mudnayn, Marka meesha G24 jawaab waayeen maxaad u malayn New Mara Boob!!!, Ha ku riyoon weeye xaaladu lakiin Samiira ha kugu bar barato Soomaaliga haday la noqoto.
Is dul taag magaca Maqaalka.
Mara Boobta ayaa marada dadka kaga dhag dhagta lakiin marka layska fur furo waad ka dhamanaysaa maradaada, Balse ninkani waa MARA BOOB CUSUB sidaa darteed uma baahna in la iska fur furo waayo way cusub tahay.
Suuq iyo wax ku mashquulana way u baahan tahay markaa yaan la siin fursad Xayeeysiinteeda wax aan ka faa´idaynaa ma jirto, Wax kasta oo cusub waxay u baahan yihiin buun buunin iyo wakhti la siiyo.Yaaa Salaam !!
Waxan Kale oo aan ninkaan ku leeyahay goormaad TAKFIIR ka soo baxday oo Ictisaamoowday? Mise midbaa Dr ku helay xagxagashada Sheekha ee ka ag dhawoow ayey kaa tahay Oo ictisaam ayaad ugu dhawaanasyaaba cajiiiib!!
Dardaaran Ahlu khayrka.
Waxaan U dardaarmayaa walaalaahayga aan Caqiidada ku walaalownay in aysan u jawaabin ninkan iyo in aysan isku mashquulin, fursada uu doonayo yaan loo saamixin Sheikh Hassaan XAQQA uu ku taaganyahay MARA BOOB waxba kama dhimayso Waaba ku sii bulaalayaa Bi´idnillaah Waynu naqaanaa Taariikhda culumada RABBAANIYIINTA Ah kuma jiro mid aan la soo dhibin Waa calaamada AHLUL TAWXIIDKA ALLAAHU AKBAR Miyey simanyihiin nin shaakhkii ku yaraaday suu isaga raaxaysanayey iska naaxay ileen ma fakarayee Iyo Nin ALLAAH Macaanka iimaanka QALBIGIISA dhigay waa maya Dardaarankayga waxan kusoo koobayaa MARABOOBTA yeynaan ku mashquulin Duruusta sheekha yey naga mashquulin G24 iyo MARABOOTOODU.
Dardaaran Ummada Luuqadaan ku hadasha.
Waxan walaalahyga islaamkaaa ee Soomaaliyeed kula dardarmayaa Diintiina ha ka noqonina marti barta oo baadha Wax aydaan ogayn yaan laydinku shubin Ku xidhnaada Culumada RABBAANIYIINTA AH Qof aydaan aqoon ha nicina barta oo baadha wuxuu yahay Soomaalidu waxay tidhaahdaa BARASHO HORTEED HA I NICIN Barta qofka laydiin caayo la dhaleeceeyo ogaada sababta idinku ka noqda doodaha socda garsoore Sidoo kale qofka dhibaya ee ku mashquulaya barta waxa uu yahay Intaa haddii laydinka waayo afkiina haysta oo ha laydinka nabad galo ALLAAH uga baqa waxaad ku hadlaysaan dib u milicsda oo eega Waxa ka socda dhulkii islaamka oo idil.
(MARABOOB CUSUB = Xudayfa Raage)
Waayo Xudayfa Raage waa maqalka kan xiga haddii loo baahdo.
WabiLLAAHI Tawfiiq
Walaashin fil caqiidah Samiira
Wasalaamucalaykum WaraxmatuLLAAHI Wabarakaatuhu


