Khilaaf Dhanka Dhaqaalaha ah oo soo kala dhaxgalay Museveni iyo Golihiisa Baarlamanka.

Written by Maamul on .

somalimemo.netKhilaaf xoogan ayaa soo kala dhaxgalay dowlada Yugaandha iyo baarlamanka wadankaasi kaasi oo salka ku haya arrimaha dhaqaalaha xilli Uganda ay wajahayso cudurro dhibaateeyay dadka wadankaasi iyo faqri daashaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in baarlamanka Uganda uu dood kulul ka keenay arrimaha mushaaraadka ay qaataan ciidanka Uganda waxaana la sheegayaa in ay isku dhacsanyihiin golaha baarlamaan gaaleedka iyo xukuumadda uu hogaamiyo Baadari Museveni.

Khilaafka ugu xoogan ayaa salka ku haya dhaqaalaha Uganda ay ku bixiso arrimaha milleteriga khaasatan gunada ay qaataan ciidanka oo ah mid aad uliidata.

Museveni ayaa la sheegay in uu dhaqaalaha kasoo gala ciidankiisa calooshood u shaqeystayaasha ee Somaaliya ku sugan uu siyaasadda u adeegsaday gaar ahaan doorashooyin dhawaan ka dhacay wadankaasi.

Generalada Uganda ayaa lasaftay baarlamaanka wadankaasi iyagoo kasoo horjeestay mushaar dhimis dhawaan lagu sameeyay, dowladda Uganda oo ciidanka ugu badan ay ka joogaan Somaaliya ayaa ku fashilintay hamigeedi ahaay in ay dhaqaale ka aruursato mareykanka.

Haweenayda arrimaha dibadda u qaabilsan Mareykanka Hillary Clinton ayaa dhawaan booqatay Kampala waxayna Museveni u sheegtay in layareeyay lacagtii mushaar ahaanta loosiin jiray ciidanka Uganda.

SomaliMeMo
Muqdisho

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy