Dagaal xalay ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Written by Maamul on .

somalimemo.netDagaal xoogan oo hubka culus iyo midka fudud la isku adeegsaday ayaa xalay ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan saaka dagaaladaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka dambeeyey weerar Ciidamada XSHM ay ku qaadeen Fariisimaha maleeshiyaadka DKMG iyo kuwa shisheeye ku lahaayeen Deegaanka Dooraale, iyo halka loo yaqaan Qurac Dhimbil oo ka wada tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dad goob joog ah ayaa u xaqiijiyey SomaliMeMo in dagaalka oo muddo saacado ah socday lagu dilay Saraakiil la sheegayo in ay ahaayeen cadaan walow aan la bargaran.

Inta la ogyahay 5 askari ayaa lagu dilay dagaalkaas, waxaana warbaahinada Muqdisho ay saaka ka soo xiganayeen saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka oo qiranaya dagaalka laakin ka gaabsaday in ay ka hadlaan khasaaraha ka soo gaaray.

Ciidamada XSHM oo ka dambeeyey weerarkii xalay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalada ay ku harqiyaan Fariisimaha Shisheeyaha iyo maleeshiyada DKMG ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaallada ceynkaas oo kale ayaa marar badan ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyadoona kolonyada cadowga aaney ku nabad galin halkaas, waxaana la xusuustaa in la wadadaas inuu weerar kaga badbaaday madaxa Kooxda DKMG ah.