Baadarigii Kaniisadda Mandheera oo Qarax lagu dilay.

Written by Maamul on .

somalimemo.netWar goordhaw naga soo gaaray degmada Mandheera ee kenya ay gumeysato ayaa sheegaya in qarax xoogan  uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen dad Kirishtaan ah waxaana jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo qaraxa ka dhashay.

Dad ka agdhaw goobta qaraxu ka dhacay oo xiriir aan la sameynay ayaa noo sheegay in weerarkaasi qaraxa ah uu reebay saameyn xoog leh iyagoo intaasi raaciyay in weerarka kadib meesha ay soo gaareen gaadiid kuwa Ambalaasta ah iyagoo halkaas ka qaaday dadkii ku waxyeloobay weerarka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale xaqiijinaya in dadkii ku dhintay qaraxa uu ka mid ahaa Baadarigii ugu weynaa Kirishtaanka Mandheera inkastoo weli uusan war kasoo bixin dowladda Kenya.

Hadda xaalad bandoow ah ayaa ka taagan degmada Mandheera iyadoo magaalada lagu soo daadiyay askar Police ah oo roondo ku sameynaya Xaafadaha degmada waxaana qaraxa kadib dadku ay sheegayaan in rasaas la maqlay.

Dhaawacyada dadkii qaraxaasi ku saamoobay ayaa loola cararay isbitaalada waxaa dhici karta in saacad walba ay dhintaan dad ku waxyeeloobay qaraxa maadaama dhaawacyada qaar ay aad u adaranyihii.

SomaliMeMo
Kismaayo

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy