Mahiga iyo Shariif Oo Isku dhegan iyo Ashtako ka dhan ah Taliyaha AMISOM oo Museveni loo gudbiyay.
Khilaaf xoogan ayaa ka dhax taagan Q.Midoobe iyo madaxda DKMG ah ee sii dhacaysa taasi oo keentay in Shariif Axmed uu Cabasho u aado Addis Ababa dallka Itoobiya.
Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan arrimaha Somaliya Agastiina Mahiga ayaa shariif Sheekh Axme ugu caga jugleeyay in uu talaab ka qaadi doono haddii uu mar labaad iskusoo taago xil ka qabashada DKMG ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in Shariif Axmed loo diiday ka qeyb galka doorashada taasi bedelkeedna waxaa Muqdisho soo buux dhaafiyay murashaxiin ay beesha caalamku wadato kuwaasi oo tartanka geli doona.
Saraakiisha ciidanka AMISOM gaar ahaan Uganda ayaa dhawaan lagu canaantay xarig ay ugeysteen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah R/wasaarihii hore ee DKMG ah hadane isku rabo madaxtinimada DKMG ah.
Mahiga ayaa Ashtako ka dhan ah Hoggaanka AMISOM udiray Madaxweynaha Uganda Museveni wuxuuna diidanyahay in caqabad lageliyo siyaasiyiinta sharii Axmed la loolamaya, Mahiga ay kusoo dhacdo lacago mushaaraadka ah ee AMISOM qaadato ayaa ka xanaaqay xariga Farmaajo wuxuuna u arkaa talaab awood siineysa shariif Axmed.
Xafiiska Q.Midoobe ayaa u Ololeynaya in jagada DKMG ah ay qabtaan shariif Xasan iyo siyaasiyiin wadamada galbeedka lagusoo anshax xumeeyay balse shariif Axmed oo Ciidanka ugu badan ee DKMG ah ay beeshiisa yihiin ay ku dagaalamaya saaxibtinimada dhaw ee Museveni lacagihii uu xaday intii uu xilka hayay in awoodda ciidan ee beeshiisu ku leedahay gudaha DKMG ah.
Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in mixnadda ku hor gudban doorashada hogaamiyaha cusub ee DKMG ah ay hakad gelinayso dardartii uu ku socday duulaanka gaaleedka Somaliya ku socda.
SomaliMeMo
Kismaayo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


