Weerar Gaadiid Lagu Gubay oo No.50 ka dhacay.

Written by Maamul on .

somalimemo.netKhasaara xoogan ayaa cadawga shisheeye kasoo gaaray weerar dhabagal ah oo maanta ka dhacay deegaanka No.50 ee duleedka degmada Afgooye gobolka Shabeelaha Hoose.


Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijinaya in weerar kamiin ah oo ay mujaahidiintu ku qaadeen kolonyo katirsan ciidanka shisheeye ay ugu gubeen laba gaari oo nuuca dagaalka ah iyo waxyeello gaartay gaari kale.

Meydadka ciidanka shisheeye ayaa lagu arkay Ceel Saliindi oo ay isku dayayeen in ay biyo ka dhaansadaan, inkastoo aan laxaqiijin karin tirada rasmiga ah ee cadawga looga dilay weerarkii maanta balse waxa muuqda ayaa ah khasaaraha burburka gaadiidka dagaalka cadawga.


Ciidamada Mujaahidiinta wilaayada Shabeelaha Hoose oo xeeladda dagaalka bedeshay ayaa wadooyinka ugu jira cadawga isku daya in uu sahayda ciidan isku kala gudbiyo.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla waaliga Shabeelaha Hoose ayaa dhawaan sheegay in hadafka mujaahidiinta uu yahay sidii ay cadawga u naafeyn lahaayeen marxaladda dagaalkana aan lagu mashquuli doonin heysasho deegaan.


SomaliMeMo
Marka,Somaliya

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it