Daawo Sawirada: Sida Looga Ciiday Magaalada Kismaayo.
Saaka Markii waagu baryay ayaa dadka Muslimiinta ee Ku nool Magaalada Kismaayo waxay bilabeen inay isu diyaariyaan tukashada saaladda Ciida iyagoo u dareeray dhanka Musalihii lagu tukanayay ee loo Iclaamiyay dadweynahaya.
shanta xaafadood ee Magaalada ayaa waxaa wadooyinkooda soo qaaday kumanaan dadweyna ah iyagoo beegsanayay isbartiibada Magaalada oo ahayd goobtii loo diyaariyay salaadda ciida waxaana dadka guryahooda ka soo qaadayay gaadiid ay wilaayadu ugu tala gashay kuwaasi isku ciriirinayay wadooyinka waloow loo sameeyay ciidanka taraafikada ee kala haga
jawiga saaka Kismaayo oo ahaa mid roobeysan ayaa salaadda waxaa laga baxay 10:oo Subaxnimo iyadoo ay soo xaadiren musalaha Kumanaan dadweyne ah oo lagu qiyaasay in kabadan 200:000 oo qof kuwaasi oo lagu kala hagayay wadooyinka si aysan isu buuran.
Hadaba muuqaalka Musalihii lagu oogayay saalada Ciidul Fidriga ayaa Iyo wadooyinka soo gala ama ka baxa Musalaha ayaa waxay ahayeen kuwo daawashooda aad ay ku cajab galineyso.
Hoos ka daawo Muuqaalka Iyo sida looga Ciiday Magaalada…

















