Qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Written by Maamul on .

Qaraxyo aad u xoogan oo khasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac u geystay Maleeshiyada DKMG ayaa habeenkii xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Qarax loo adeegsaday bam nooca gacanta laga tuuro ee F1-ta ayaa laga maqlay Laanta Suuqa Towfiiq Degmada Yaaqshiid, sidoo kale qarax kale ayaa laga maqlay Isgoyska Cali Kamiin Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ka dhacay Laanta Towfiiw salaada Maqrib kadib xalay waxaa lagu weeraray maleeshiyaadka DKMG ee halkaasi ku sugan, waxaana gaaray Dhimasho iyo Dhaawac sida ay dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen.

Sidoo kale Qaraxa ka dhacay isgoyska Cali Kamiin oo ahaa Bam gacmeed ayaa sababay Dhimashada iyo Dhaawaca Maleeshiyaadka DKMG ee halkaasi ku sugnaa, iyadoo qaraxa kadibna ay fureen Rasaas culus.

Muddooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxaa Magaalada Muqdisho joogto ka noqday Qaraxyada, Dilalka iyo Weerarada Xiliga habeenkii ka dhacayay.