Shariif Sheikh Axmed oo sheegay in uusan ku qanacsanayn sida wax u socdaan.

Written by Maamul on .

somalimemo.netMadaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday Shariif Sheekh Axmed ayaa u sheegay ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga in uusan ku qanacsanayn sida wax u socdaan, isagoo dalbaday in wax laga badalo xaalada jirta, waxaana uu si gaar ah farta ugu fiiqay in Gudiga Farsadama sida ay hadda wax u wadaan aan lagu kalsoonaan Karin.

Iyadoo kullan saacado badan qaatay oo natiijo la’aan ku dhammaaday shalay ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Mahiga iyo Shariif Sheekh Axmed oo u muuqda nin beesha Caalamku markii ay danihii ay ka lahaayeen ka gaareen ay booska ka tuurayaan, ayaa xusuusiyey Madaxweynihii Waqtigiiga dhammaaday in la gaaray xiligii laga gudbi lahaa dalkana ay keensan lahaayeen hogaan cusub oo dhankooda ka socda.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kullankii shalay dhexmaray Mahiga iyo Shariif isku dhaafsadeen hadalo kul kulul, intii kullanka uu socdayna shariif banaanka uga baxay, hase yeeshee markii dambe dib loogu celiyey, isagoo sheegay in si cadaalad ku jirto aan loo wajihin soo xulida Baarlamanka Cusub oo laga saaray kooxda Aala Sheekh ee Shariif uu hogaamiyo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa u sheegay mahiga in sida ay wax u socdaan inuusan ku qanacsanayn, isagoo dalbaday in wax laga badalo xaalada jirta, isagoo si gaar ah u eedeeyey guddiga Farsamada Baarlamanka Cusub.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy