Hailemariam Desalegn iyo howsha sugeysa oo loo baqanayo.

Written by Maamul on .

somalimemo.netHailemariam Desalegn Inkastoo aan lagu muransaneyn xilkiisa hadane waxaa soo baxaya shaki laga muujinayo inuu xalin karo dhaxalka culus ee dulmiga iyo xadgudubka, dhibaatada iyo kalitalisnimadii uu reebay R/Wasaarihii dhintay ee Itoobiya Meles Zenawi.


R/Wasaaraha Cusub Hailemariam Desalegn ayaa ahaa rug cadaa in muddo ah saaxiib dhaw la ahaa Zenawi, laakin si ka duwan  Zenawi ninkani kama soo jeedo Woqooyiga Itoobiya oo Tigreegu dagaan, laakin waa nin dhanka Koofurta ah aadna kaga dabacsan Meleskii halaagsmay.


Urur fadhigiisu yahay magaalad Brussless ee dalka Belguim-ka oo lagu magacaabo Think Tank ayaa soo saaray wallaac xoog leh oo ku aadan in Itoobiya geerida Zenawi ka dib ay ka qarxaan isku dhacyo hubeysan iyo rabshado dhexmara qabaa'ilada kala duwan.


Ururka ayaa sheegay Meles gacan bir ah oo aan u aaba yeeleyn "xuquuqda Insaanka"  in uu ku maamulayay Itoobiya muddo aad u fara badan, laakin ninka cusub ee badalay sidiisa oo kale awood ma ugu yeelan doonaa ka hortagista taxaddiyadii uu maareyn jiray Zenawi?

Ururka ICG ayaa dhankiisa cabsida uu qabo gaarsiinaya dalka Itoobiya lugaha inuu la galo dagaallo ku saleysan diinta oo ay soo ifbaxaan Muslimiin Mujaahidiin ah oo dalbanaya dulmigii Zenawi in ay iska kor qaadaan.


Horaantii sanadkan waxaa lagu eedeeynayay maamulka Zenawi in ay laayeen Muslimiin fara badan, kuwa kalena ay xabsiga dhigeen markii dad Muslimin ah oo careysan ay dibad baxyo ka dhigeen magaalada Adis Ababa, waxaana ay dalbanayeen in arrimaha diintooda aan lagu soo fara gelin.


Dalka Itoobiya ayaa waxaa gumeysi gacan bir ah ku heysta Ururka TPLF (Tigray People's Liberation Front)  kaas oo xuquuqdooda duudsiiyay aqlabiyadda qabaa'ilada kale ee Oramada iyo Amxaarada, waxaana hade la sugayaa isbadalkan iyo sida ay kaga faa'iideystaan qabaa'iladaas.