Mufaaja'aat waaweyn oo ka soo socda Jubbooyinka.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa sheegaya in guutooyinka Ciidamada Mujaahidiinta ee Wilaayada Jubbooyinka ay u kala jiheysteen dhinacyo kala duwan oo Galbeedka iyo Koofur galbeed magaalada Kismaayo, xilli huwantu ay ciidankooda ku diyaarinayaan dagaanka Hosingow.
Dadka reer Kismaayo ayaa ku waramaya dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh in magaalada laga dareemayay todobaadyadii u danbeeyay, iyadoona lagu arkay magaalada gudaheeda ciidamo u muuqday kuwo jabhad ah oo magaalada dhawaan soo galay.
Ciidamada Huwanta ee cadowga ah ayaa in muddo ah sheegayay qorsheynta dagaal kama danbeys ah oo ay ku qaadaan magaalada Kismaayo ee qalcadda adag u ah Hirgelinta Shareecada Islaamka, waxaana cadowgu maalmihii la soo dhaafay uu dhaq dhaqaaq ka waday dhanka Hoosingow markii waddooyin badan ay ogaadeen in laga jaray.
Mujaahidiinta ayay dhif tahay in ay ka hadlaan qorshayaalka Milatari ee ay kala hortagaan cadowga, sidaas darteed saraakiil ka tirsan Wilaayada Jubbooyinka oo aan la xiriirnay waxey ka gaabsadeen xog faahfaahsan in ay ka bixiyaan qorshayaalka soconaya ee la dareemay.
Warbixino saxaafadeed ayaa sheegay bilihii u danbeeyay in Maamulka Mujaahidiinta ee Kismaayo uu ku guuleystay ciidameynta qabaa'ilka Muslimka ah ee dagaanka, si ay kaga qeybgalaan difaaca duulaanka cadowgu la damacsan yahay Kismaayo, iyo in laga xoreeyo dagaanadii ay soo qabsadeen.
Wariye ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay qabaa'ilka daga magaalada iyo hareeraheeda in loo qeybiyay guutooyin kala duwan isla markaana iyagoo hoos imaanaya taliska ciidanka Mujaahidiinta hadane loo cayimay difaacyo iyo goobo ay ka dagaalamaan.
Ciidamo aad u fara badan oo loo maleynayo in ay yihiin Jabhado ka soo kala galay Wilaayaad kale ayaa lagu arkay Kismaayo todobaadkii hore, waxaana loo maleynayay in ay u yimaadeen arrimaha Ciidda iyo bandhig ay sameyn doonaan, laakin maalmihii ciidda ka hor ayuu ciidankaas u jaheystay goobihii loo asteeyay.
Munaasbaddii Ciidda ayaa dadka reer Kismaayo ay muujiyeen diyaar garowgooda dagaalka, waxaana si aan hore loo arag ay ku soo ciideen Isbartiibo Weekiyo, xilli warar hoose ay sheegayaan Wilaayadu in ay fasax u siisay dadka, heysashada hubkooda si ay ugula dagaalamaan cadowga, waxaana taas ay keentay dad badan oo caro ka qaaday duqeymaha cadowga ee maati-leynta ah in ay ku biiraan Mujaahidinta.


