Cumar Jacfaan “Saraakiisha Saldhiga Huriwaa way kabo la’yihiin…”.
Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ugu magacaaban maamulka DKMG Cumar Jacfaan ayaa ku eedeeyey maamulka gobolka Banaadir in aysan si cadaalad ah shaqada u wadin ayna ku gacaan eex badan, isagoo wacad ku maray haddii aan wax laga qaban cabashooyinka uu gudbiyey in uu go’aan ka qaadanayo ka mid ahaanshiyaha DKMG.
Cumar Jacfaan ayaa ku eedeeyey maamulka Gobolka Banaadir in Saldhigyada Degmooyinka kale ee gobolka Banaadir u qeybshey gaadiidka Ciidanka Booliska, hase yeeshee Saldhiga Degmada Huriwaa aan la siin gaadiid u gaar ah.
“Taliyaha Saldhiga Degmada Huriwaa waa kaba la’yahay, Taliyayaasha kale ee xarunta maamulka gobolka u dhow waxaa la siiyey gaadiid waliba iyagoo lug ku gaari kara, taas waxaan u arkaa eex iyo faquuqid ka dhan ah maamulka Huriwaa” ayuu yiri cumar Jacfaan oo dhowr mar eedeymo kala duwan u jeediyey maleeshiyada DKMG Huriwaa iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Hogaamiyayaasha maleeshiyaadka degmooyinka gobolka Banaadir waxaa la siiyey min laba gaari oo Qooqan ah, hase yeeshee maamulka Degmada Huriwaa lama siin iyadoo cumar Jacfaan uu ku hanjabay haddii aan degdeg loo soo gaarsiin gaadiidka Beesha Caalamka ugu yaboohday Saldhigyada Degmooyinka gobolka Banaadir go’aan ka qaadan doono ka mid ahaanshaha DKMG Soomaaliya.


