Waa Sidee Xaaladda Wilaayaadka lagusoo duulay (Xog).
Xaalad deganaashiyo ah ayaa lagasoo sheegayaa wilaayaatka islaamiga Soomaaliya oo duulaanada kala kulmay dowladda Kirishtanka Kenya iyo maleeshiyaadka daba qoodhiga.
Wararka nagasoo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in ciidanka Kenya iyo maleeshiyaadka la socda ay ka hakadeen weerar ay damacsanaayeen in ay ku qaadeen degmooyin Gedo katirsan oo ay gacanta ku hayaan mujaahidiinta Soomaaliya.
Ciidamo badan oo katirsan kuwa mujaahidiinta ayaa iyana kulaalaya deegaanka Buusaar iyo degmada Ceel Waaq waxaana laga yaabaa in 48-ka saac ee socota ay dagaallo ka dhacaan halkaasi.
Sidoo kale ciidamada mujaahidiinta ayaa xalay dhaq dhaqaaq ciidan ka sameeyay duleedka degmada Garbahaarey oo muddo kabadan 9 bilood ay ku lug go'anyihiin maleeshiyaad Soomaali Amxaaro ah.
Wilaayada Jubbada Hoose.
Xaalad deganaan ah ayaa kajirta Jubbada Hoose wixii ka dambeeyay dagaalkii taariikhda galay ee Xayo kaasi oo dhacay 2-dii December 2011 waxaana dagaalkaas lagu dilay ugu yaraan 85 Nin oo katirsan maleeshiyaadka Kenya taabacsan iyo ciidamo Kenyaati ah.
Majiraan wax duqeymo ah oo Jubbooyinka ka dhacay marka laga reebo duqeyntii shacabka badan ku shahiideen ee ka dhacday Hoosingoow waxaa been ah warar ay maalmahan baahinayeen warbaahinta cadawga oo tilmaameysay in diyuuradaha Kenya duqeeyeen Kudhaa.
Kenya ayaa dharbaaxo lama filaan ah kala kulantay duulaanka ay kusoo qaaday Somaaliya sidaasi oo ay tahay weli waxay ku goodinaysaa in ay weerar ku tahay dhulka Soomaaliya.


