Qabqablayaashii Dalka iyo dadka dhibaateeyey oo loo ogolaaday inay ka mid noqdaan Baarlmanka Mahiga.
Buuq, muran iyo sawaxn ayaa is qabsaday hoolka Shirka Doorashada madaxweynaha Reer Galbeedka dabada ka riixaya kadib markii guddoonka Baarlamaanku uu sheegay in xildhibaanadii Qabqablayaashii dalka iyo dadka dhibaateeyey loo qaado in cod gacan taag ah oo qaado.
Waxaa xanaaqay oo caro la istaaga xildhibaanada Mahiga oo uu ka mid ahaa C/raaxmaan Jibriil Xoosh iyo xubno kale waxayna sheegeen inay fadhiga maanta u yimaadeen inay madaxweyne u codeeyaan oo aysan u imaan inay Hogaamiye kooxeed la diiday cod u qaadaan.
Jawaari oo ah Guddoonka Baarlamanka Mahiga ayaa cod u qaaday Xubnihii qabqablayaasha oo tiro ahaan la sheegay inay gaarayaan 20-Xubnood waxaanaa loo ogoladay inay ka mid noqdaan Baarlamanka Cusub ee Mahiga.
Codadka waxay u dhaceen Qaabkan Hoos ku xusan:
Waxaa ogolaatay inay Qabqablayaasha ka mid noqdaan Baarlamanka 98
Waxaa diiday inay Qabqablayaasha ka mid noqdaan Baarlamanka 85
Waxaa ka aamustay inay Baarlamanka ka mid noqdaan 5
Waxaa codadkooda la waayay 50 oo banaanada iska gaaf wareegayay
Xubnahan Qabqablayaasha ee loo ogolaaday inay Baarlaman gaaleedka Mahiga ka mid noqdaan ayaa lagu xasuustaa wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe ee dalka inay dhibaato ku ahaayeen bulshada soomaaliyeed, iyadoo lagu xasuusto isbahaysigii waxa Reer galbeedku ugu yeeraan Argagixisada kaga dhawaaqay degmada Deyniile sanadkii 2006-dii laakiin Mujaahidiinta Soomaaliya dalka ka ciribtireen, waana kuwan hadda dib loo soo celiyey.
