Muslimiin Careysan oo xoog ku galay Dhisamaha Safaaradda Mareykanka ee magaalada Sanca.
Muslimiinta Caalamka Islaamka gaar ahaan kuwa wadamada Carabta ayaa xoojiyay jawaab celinta ay ka bixinayaan Ihaanada ay gaalada Mareykanka ugeysteen Rasuulkeena Maqaamka Sare Leh ee Muxamed Sallallaahu Caleyhi Wasalama.
Kumanaan shacab reer Masar ah ayaa habeen hore xoog ku galay dhismaha safaaradda mareykanka ee magaalada Al-Qaahir ee dalka Masar kadib markii gaalo Mareykan ah ay gobolka Faloorida kusoo bandhigeen Filim ay ku xumeynayeen Nabigeena Muxamed Sallaahui Caleyhi Wasalama.
Calanka Daaguutka Mareykanka ayaa laga dejiyay safaarada mareykanka waxaana lagu bedelay calanka Islaamka ee dhaxda ku leh kalimadda Towxiidka muslimiinta Liibiya ayaa iyana qaaday Jawaab Celin ladhihi karo waxay aheyd mid geesinimo leh markii ay khaarijiyeen safiirka America ee Liibiya ayna gubeen shaqaale dhismaha safaaradda mareykanka ee Banghazi.
Kumanaan dad muslimiin ah ayaa maanta duhurkii weerar ku qaaday dhismaha safaaradda mareykan ee magaalada Sanca halkaasi oo ay ku yaalaan xafiisyo ay leeyihiin hay'adaha wardoonka mareykanka iyo kuwa amni.
Wariyaal ayaa soo sheegay in dadka muslimiinta oo wata quraarado basiin lagasoo buuxiyay ay gubeen gaadiid yillay afaafka hore ee dhismaha safaradda waxaana socda dagal u dhexeeya muslimiinta kacdoonsan ee sharafta Nabigeena difaaceysa iyo ciidan Khuwana ah oo taabacsan Cabdi Rabbih Haadi Mansuur.
Shabakadda Yemen News ayaa soo warisay in qarax weyn oo ka dhigay dacalka galbeed ee dhismaha safaaradda lamasoo sheegin heerka uu gaarsiisantahay dhimashada iyo dhaawaca gaaray Americanka.
Dhinaca kale kumanaan shacab muslimiin qiireysan ah ayaa weerar ku qaaday qunsuliyadda mareykanka ee magaalada Sanca wasaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxay ku dhawaaqday in ay xireyso safaaradaheeda wadamada caalamka islaamka haddii ay weerarada nuucaan ah sii socdaan.
Muslimiinta ku nool wadamada caalamka islaamka ayaa madaxa lasoo kacday tan iyo wixii ka dambeeyay duulaankii mareykanku ku qaaday Ciraaq iyo Afghanistan Somaaliya iyo Yemen-na dib uga daray waxaana socda loolan u dhexeeya xaqqa iyo baadilka.
Baadaro Terry Johonz ayaa sanad ka hor bilaabay Ol Ole uu ugu magac daray gubidda Kitaabka Qur'aanka Kariimka waana ka dhabeeyay ciidan mareykan ah oo ku sugan magaalada Kaabul ee Afghanistan ayaa ajiibay baaqa Terry waxayna gubeen Kitaabka Qur'aanka Kariimka.
Tacadiyada loo geysto muslimiinta iyo muqadasaadkooda ayaa ah kuwa aan laysaga hareyn oo Yahuudda iyo Nasarda lagula xisaabtamayo.
