Caalamka Islaamka Berri oo Jumca ah maxaa ka dhacaya?.
Iyadoo qeyb ka ah difaaca Nabigeena Muxamed Sallallaahu Caleyhi Wasalama ayay umadda Muslimiinta caalamka Islaamka maalinimada berri ah isku balansatay in ay dhigaan iskusoo baxayo waaweyn oo lagu muujinayo in Islaamku weli baaqi yahay cadawgana laga aarsan doono.
Dhammaan Tayaaraatka Islaamiga ah ee caalamka Carabta ayaa berri isku balansaday in ay dhigaan dibad baxyo loogu Hanjabayo Dowladda Mareykanka ee hogaaminaysa dagaalka ka dhanka ah Islaamka waana waxa ugu yar oo ay muslimiinta ducafada ah awoodaan.
Wadanka Urdun wadaadada Salafiyiinta ayaa soo saaray bayaan ay muslimiinta ku ogeysiinayaan in berri ay dhici doonto "Jumcada istaagga Carada" oo loogu nusreyn doono Nabiga maqaamka sare leh ee Muxamed Sallaahu Caleyhi Wasalama.

Magaalooyinka waaweyn ee Pakistan berri waxaa ka dhici doono iskusoo baxayo, fagaaraha Meydaanu Taxriir ee magaalada Al Qaahira iyana berri waxay u madlantahay iskusoo bax weyn waxaana maanka lagu wada hayaa in reer Masar ay yihiin geesiyaal aan ka baqin ciidanka xukuumadda dawaaqiidda, magaalooyinka Dooxa iyo Kuwait iyana waxaa laga dhigayaa dibad bax ay muslimiintu uga jawaabayaan Filimkii lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed.
Mareykanku wuxuu qorsheynayaa in uu xiro intabadan safaaradaha uu ku leeyahay wadamada dhaca mandiqadda Bariga dhexe iyo waqooyiga qaaradda Afrika si uu uga feejignaado weeraro lagu qaado diplomaasiyiintiisa.
Halkan Ka Daalaco Bayaanka kasoo baxay salafiyiinta Urdun


