Saldhigga Degmada Yaaqshiid oo xalay dagaal lagu galay

Written by Maamul on .

Ciidan ka tirsan Mujaahidiinta ayaa xalay weerar xoog leh waxay ku qaadeen fariisimayaal cadowgu uu ku leeyahay saldhigga degmada Yaaqshiid halkaasi rasaasta la isku weydaarsaday askar badanna lagu laayay.


12:00 Saac xalay saqdii dhexe ayaa mujaahidiinta iyagoo dhinacyo badan weerarka ka qaaday waxa mar qura rasaasta ka dul shanqariyeen saldhigga degmadaasi waxaana dagaal saacad socday ka dib gudaha loo galay saldhigga halkaasi oo loogu tagay askar ku halaagsamay weerarka inta uu socday.


Marka uu warkaasi sheegaya ku soo dhacay warqabadkeena ayaan la xiriirnay saraakiil ka tirsan MUjaahidiinta Si aan u helno xogta dhabta ah ee dagaalka Iyo qasaaraha ka dhashay iyagoo noo sheegay inay dileen askar badan qaniimo cadowga laga helayna ay jirto.


Saaka ayaa xaaladda deegaankaasi Iyo aga gaarka saldhigga degmada Yaaqshiid waxaa laga dareemayaa xiisad kacsanaan ah iyadoo Maleeshiyaadka ay wadaan baritaanno ay ka sameynayaan xaafadaha ka agdhaw Saldhigga.