Faah-Faahin: Banaanbaxyadii maanta gilgilay Caalamka islaamka ee lagu difaacayey Nabigeena Muxamed SCW.
Maanta oo jimce ahayd ayaa waxaa caalamka Islaamka ka dhacay kacdoon xoogan oo ay samaynayeen shucuubta muslimiinta ah ee ku kala nool daafaha aduunka kaas oo looga soo horjeeday Filim lagu aflagaadeynayey Nabi Muxamed صلى الله عليه وآله وسلم
Filimkan oo uu soo saaray nin Yahuudi ah oo haysta dhalashada Maraykanka ayaa waxaa kala qayb qaatay qaar kamid ah Gaalo u dhalatay dalka Masar
Muslimiin caraysan ayaa manta weeraro ku qaaday Safaaradaha dowladaha reer galbeedku ay ku leeyihiin qaar ka mid ah wadamada carabta.
Safaaradaha maanta la weeraray ayaa waxaa ka mid ah, safaarada Maraykanka, Ingiriiska iyo Jarmalka.
Qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliya ayey shucuubta muslimka ah ee ku nooli waxa ay muujiyeen carada ay ka qabaan aflagaadada loo geystay Nabigeena Muxammed صلى الله عليه وآله وسلم
Khurduum:
Malaayiin muslimiin ah ayaa maanta dhigayey isku soo baxyo waaweyn oo ay ugu Nusreynayaan Nabiga Maqaamka sare leh ee Muxamed صلى الله عليه وآله وسلم
Safaaradda Jarmalka ee Khurduum caasimadda dalka Suudaan ayey muslimiin caraysani waxa ay ku qaadeen weerar culus, boqolaal ka tirsan shacabka reer suudaan ayaa gudaha u galay Safaaradda waxayna dabq qabadsiiyeen dhismihii safaaradda halkaas oo uu circa isku shareeray Qiiq iyo uuro ka dib markii si xoog leh uu dabku u kacay.
Sidoo kale Safaaradda Ingiriiska ee Khurduum ayey shacab aad u caraysan gudaha u galeen, waxayna la wareegeen dhammaanba dhismihii safaaradda.
Goobta ugu khasaaraha badan ayaa ahayd Banaanka Safaaradda Maraykanka halkaas oo ay iskugu soo baxeen kumanaan ka tirsan shacabka muslimka ah ee reer suudaan waxayna muujinayeen iskudayo ku aadan in ay gudaha u galaan safaaradda, ciidamada amaanka ayaa soo dhoobay banaanka safaaradda ciidamo aad u tiro badan waxayna adeegsanayeen baabuurta gaashaaman iyo gaaska indhaha kaga ilmaysiiya, xaaladdu markii ay cirka isku shareertay ayey ciidamada ammaanku waxay bilaabeen in ay si xoog ah ku kala kaxeeyaan shacabkii caraysnaa waxayna soo dhaqaajiyeen baabuurtooda gaashaaman halkaas oo ay dadkii banaanbaxa samaynayey dusha ka marsiiyeen, waxaana la xaqiijiyey in ay goobtaas ku Shahiideen afar ka mid ah Shacabkii muslimka ahaa ee difaacayey Sharafta nabigeena Muxamed صلى الله عليه وآله وسلم
Magaalada Kale ee Umu Durmaan Sudan waxaa dibad baxyo ka dhigayey culumada salafiyiinta waxaana bartamaha magaalada lagu gubay calanka dowladda Mareykanka, ciidan la sheegay in ay qaabilsanyihiin ilaalada safaaradaha oo Cumar Al Bashiir taabacsan ayaa xoog lagu jiiray waxaana la sheegayaa in dadka muslimiinta ee qiireysan ay howlgallo ka wadaan gudaha safaaradda Ingiriiska ee Sudan.
Qaahira iyo Sancaa:
Kumanaan ka mid ah muslimiinta ku nool magaalooyinka Qaahira iyo Sancaa ayaa iskugu soo baxay Maydaanada waaweyn ee magaalooyinkaasi, ayaga oo muujinaya carada ay ka qabaan aflagaadada foosha xun ee loo gaystay Nabigeena Muxamed صلى الله عليه وآله وسلم
Shacab caraysan ayaa weerar ku qaaday Safaaradaha Maraykanku ay ku leeyihiin magaalooyinka Sanca iyo Qaahira, xili Caasimadaha Dowlahada Muslimiinta qaar ka mid ahna laga muujiyey carada laga qabo filimkaas xun.
SAYNAA:
Dhanka kale boqolaal ka tirsan shacabka reer Masar oo qaarkood hubaysan ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada waxa loogu yeero nabad ilaalinta ay ku leeyihiin Siinaa, halkaas oo ay shacabku isku dayeen in ay xoog ku galaan xero ay ku sugnaayeen ciidamo kala gadisan oo ka socday Qaramada Midoobay.
Qaar ka mid ah dadkii banaan baxayey ayaa Raayada Tawxiidka ka taagay darbiga dheer ee xerada ciidamada, waxaana lagu soo waramayaa in isku dhac hubaysan oo goobtaas ka dhacay uu ku dhaawacmay mid ka mid ah muslimiintii banaan baxayey.
Doha:
Doha Caasimadda Dalka Qadar ayay shucuubta muslimka ah waxa ay jidadka ku mareen socod xambaarsan caro, waxana ay muujinayeen carada ay qabaan.
Tuunis:
Reer Tuunis oo aad u caraysan ayaa weerarkii ugu xooganaa ku qaaday Safaaradda Maraykanka ee ku taala Magaalada Tuunis halkaas oo ay dagaal kharaar kula galeen ciidamada amaanka ee dalkaasi
Shacabka oo si aad ah u caraysan ayaa ku guulaystay in ay gudaha u galaan safaaradda Maraykanka, inta aysan gudaha u galin ayaa ciidamo si gaar ah u tababaran oo maraykan ah waxa ay ku guulaysteen in ay deg deg ula baxaan safiirkii maraykanka eek u sugnaa gudaha safaaradda
Muslimiinta ayaa dagaal dheer ka dib waxa ay ku guulaysteen in ay Raayada Tawxiidka ka dultaagaan Safaaradda Maraykanka ee magaalada Tuunis.
Waxaa dhulka lasoo dhigay oo lasoo dajiyey Calankii Maraykanaka ee ka dul babanayey dhismaha Safaaradda waxayna halkaas ka taageen Raayada Tawxiidka.
Booliiska Tuunis oo adeegsanayey baabuurta qafilan iyo qiiqa indhaha ka ilmaysiiya ayaa ku fashilmay in ay hor istaag ku sameeyaan kumanaan shacab ah oo ka caraysnaa filimkii aflagaada loogu geystay Nabigeena Suuban Muxamed SCW, Iska hor imaad xoogan oo ka dhacay banaanka Safaaradda ayaa waxaa ku shahiiday Afar qof waxaana ku dhaawacmay 28 qof oo ka mid ahaa muslimiintii difaacaysay nabigeena Muxamed صلى الله عليه وآله وسلم
Urdun:
Boqolaal ka tirsan Salafiyada Jihaadiga ee dalka Urdun ayaa banaabax balaaran ka hor dhigay Safaaradda Maraykanka ee ku taala caasimadda Cammaan ee dalka Urdun.
Culumaa'u diin caan ka ah dalka Urdun ayaa ka hadlay isku soo baxaas balaaran waxayna muslimiinta ku booriyeen in ay u istaagaan difaaca diinta Allaah iyo sidoo kale in ay ka dhiidhiyaan aflagaadada foosha xun ee loo geystay Nabigeena Muxammed صلى الله عليه وآله وسلم
Culimada ayaa soo qaatay aayaad iyo axaadiith badan oo dhammaantood ka hadlaya Fadliga ay leedahay in loo jihaado kor yeelidda Kitaabka Allaah SWT iyo Difaaca Sharafta Nabigeena صلى الله عليه وآله وسلم
Shacabka Muslimka ah ee reer Urdun ayaa ku dhawaaqayey halkudhigyo ka dhan ah Maraykanka iyo Maamulka Sahaayinada ah ee Israa'iil. waxay shacabku kor u qaadayeen sawirka Sheikhii Shahiiday ee Usamah Binladin Taqabbalahullaah.
Ciidamada Ammaanka oo wata baabuurta gaashaaman ayaa isku wareejiyey nawaaxiga Safaaradda Maraykanka waxay xireen dhammaan jidadka soo gala Safaaradda.
Bangaladeesh:
Inkabadan kun qof ayaa oo muslimiin caraysan ah ayaa banaanbax balaaran ka hor sameeyey safaaradda Maraykanka ee magaalada Daka.
Muslimiintaan oo dhammaantood si isku mid ah u xirnaa Koofiyado cad cad gacmahana ku watay Mindiyo iyo hub fudud ayaa banaan bax balaaran ka hor sameeyey safaaradda Maraykanka, waxayna ku dhawaaqayeen erayo lid ku ah Maraykanka.
Mowlaanaa Ximaayatu Diin oo ah Amiirka Jamaacah Al Islaamiyah ee Bangalaeesh ayaa sheegay in ay diyaarinayaan isku soo bax aad u balaaran oo ay go'doon ku saari doonaan Safaaradda Maraykanka ee dalkooda.
Liibiya:
Shacabka reer Liibiya ayaa illaa iyo hadda koobka Qaaday, waxayna wataan dhibcaha ugu badan maadaama ay dhegta dhiiga u dareen Safiirkii Maraykanka ee dalka Liibiya,

Dilka Gaalka:
Wakaaladaha wararka ee caalamka ayaa sheegaya in la dilay ninkii sameeyey filimkii ka caraysiiyey muslimiinta caalamka ee lagu aflagaadaynayey Nabiigana Muxamed صلى الله عليه وآله وسلم
Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in la helay meydka ninka gaalka ah oo dhex yaala goobtii uu ku dhuumanayey oo ahayd mid kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka.
Warkan ayaa imaanaya xili malaayiin kamid ah muslimiinta caalamka ay samaynayaan banaanbaxyo looga soo horjeedo filimkaas.
Lama oga in soo bixitaanka warkaani looga gol leeyahay in lagu dajiyo carada muslimiinta kacsan.
Wixii war ah oo kasoo baxa gadaal ayaan kasoo gudbin doonnaa inshaa allah.
Halkaan ka Akhri Wararka Wakaaladaha Caalamka
