Ciidankii ugu badnaa oo galabta lagu soo bandhigay Kismaayo iyo dadka oo isu soo baxay

Written by Maamul on .

Galabta abaaro 04:00 saacaddu Markay ahayd ayaa magaalada Kismaayo waxaa lagu soo bandhigay boqolaal ciidamo mujaahidiin ah kuwaasi oo ku gaaf wareegayay wadooyinka magaalada ugu dambeyntiina dhoolatus Milatari ku sameeyay fagaaraha beerta shareecada halkaasi oo ay ku sugnaayeen boqolaal shacab a oo u soo daawasho tagay.


Ciidankan maanta dhoolatuska ku sameeyay magaalada ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin ciidanka gurmadka ee mujaahidiinta iyadoo wararka aanu heleyno ay sheegayaan in ciidankan galabta la soo bandhigay ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalada hadda socda si ay dhabarka uga jabiyaan cadowga ku soo duulay Jubooyinka.


Masuuliyiin ka tirsan Mujaahidiinta ayaa goobta ay ka dhacaysay dhoolatuska ka hadlay waxaana ay sheegeen in mujaahidiinta ay ka go’antahay inay iska difaacaan cadowga hororka ah goordhaw dadka Muslimiinta ay maqli doonaan bishaarad waaweyn oo ay ku farxi doonaan.


Waaliga Jubooyinka Sheekh Cabdi Raxmaan Xudeyfa oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu digniin culus u jeediyay Jawaasiista Iyo dadka abuuraya in magalada laga cararay isagoo sheegay in lala socdo xaaladooda lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.


Dadkii goobta isugu soo baxay ayaa dhankooda waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin dhoolatuska waxaana ay ballan qaadeen garab istaagga Mujaahidiinta Iyo inay iska difaaci doonaan cadowga Alle.