Ciidamada cadowga ah ee Kenya oo dib u gurasho bilaabay iyo gaadiid dagaal oo maanta laga gubay

Written by Maamul on .

Sida laga warqabay maalmihii u dambeeyay waxaa dagaal culus uu ka socday deegaanada u dhaxeeya Afmadoow iyo Birta Dheer halkaasi oo ay ku hardamayeen xaqqa iyo baadilka waxana wararkii u dambeeyay ee naga soo gaara deeganadaasi ay sheeegayaan in ciidanka mujaahidiinta ay gubeen saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka cadowga kuwaasi oo ka soo baxay degmada Afmadoow.


Mid ka mid ah gaadiidkaasi la gubay ayaa waxay ahayd booyad cadowga biyo uga soo qaaday Afmadoow iyadoo u soo socotay deegaanka Sooyaa kadib waxa jidka u galay Mujaahidiinta halkaasi oo gabi ahaanba lagu bur buriyay gaarigii booyadda ahaa.


Labada kale ee mujaahidiinta ay gubeen ayaa waxay kala yihiin gaari nooca faaroowga loo yaqaano iyo sidoo kale gaariga loo yaqaano mitubiish kuwaasi oo qeyb ka ahaa kolonyo sahay u soo siday goobaha ay cadowga ay ku suganyihiin waxaana wararka goobahaasi aanu ka heleyno ay sheegayaan in ciidanka Kenya iyo maleeshiyaadka ay marayaan xaaladii ugu xumeyd intii weerarka ay soo qaadeen.


Dadka falanqeeya arrimaha Milatariga ayaa sheegay in aysan suura ahayn in ciidan dagaal culus ku jira oo maalmo soconayay oo aan walina helin gurmad dhan waliba ah, sarakiishii wax ka hoggaamineysay dagaalkana ay dhinteen inaysan suura gal ahayn in ay sii dagaalaman ama dagaallo hor leh soo qaadeen.


Maanta waxay Kenya bilowday inay difaacyo waaweyn ka qotaan duleedka Sooyaa halkaasi oo mujaahidiintu ay noo xaqiijiyeen inay arkayeen cagafyada cadowga oo difaacyo qodeysa taasi oo looga qiyaas qatay in malmihii u dambeeyay ee duulaanka ay ahaayeen inaysan jirin wax difaacyo ah oo ay ku jireen laakiin hadda ay muuqato jabkooda.


Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa manta ahayd mid dagaal waloow wax dagaal ah uusan ka hicin mar walibana la filan karo inuu dagaal culus dhaco.