Iskusoo Bax Galabta Kismaayo Ka Dhacay iyo Gurmadyo Ciidan oo Kusii Qulqulaya Jubbooyinka (Dhagayso).

Written by Maamul on .

somalimemo.netIskusoo bax ballaaran ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta wilaayada Islaamiga Jubbooyinka xilli maalmihii lasoo dhaafay ay qabsashada magaaladaasi ku hanjabayeen cadawga Kenya ee Somaaliya kusoo duulay.



Kumanaan kamid ah shacabka magaalada Kismaayo ayaa isugusoo baxay fagaaraha beerta shareecada si ay hadallo uga dhagaystaan mas’uuliyiin katirsan wilaayada Jubbooyinka iyo saraakiil ciidan oo mujaahidiinta katirsan.


Sheekh Cabdi Raxmaan Xudeyfa  waaliga Jubbooyinka ayaa kamid ahaa mas’uuliyiintii manta beerta shareecada ka hadashay wuxuuna sheegay in dagaalka ka socda Jubbada Hoose saameyn ballaaran ku yeelan doono gudaha Kenya oo uusan ku ekaan doonin Somaaliya oo qura.


Waaliga Jubbooyinka ayaa muslimiinta Jubbooyinka ugu laab qaboojiyay in Jeyshka muslimiinta aysan dayici doonin ansaarta reer Kismaayo iyo Gabdhaha muslimaadka cafiifaatka ah ee muddo kabadan 4 sanadood ku hoos noolaa shareecada islaamka.


Hablo Xijaaban,Arday iyo dhalinyarada magaalada ayaa takbiirsanayay markii ay hadlayeen mas’uuliyiinta mujaahidiinta  saraakiil ciidan oo iyana hadlay ayaa shacabka ugu baaqay in ay isdejiyaan oo aysan saameyn cabsi gelinta ka imaanayasa cadawga soo duulay.


Kadib dibad bixii maanta ayaa wareysi lala yeeshay Waaliga waxa uu ku faah faahiyay xaaladaha guud ee Jubooyinka Iyo halka uu marayao duulaanka isagoo intaasi ku daray Mujaahidiinta ay si weyn u adkeeyeen amaanka Kismaayo ayna ka difaaci doonaan cadowga soo duulay.


Halkan Ka dhagayso Wareysiga Waaliga Jubbooyinka oo ka hadlay Xaaladaha Iyo bandhigii maanta

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy