Sheekh Fu’aad Max’med Oo Lahadlay Shacabka Kismaayo (Dhageyso).

Written by Maamul on .

somalimemo.netMas'uul sare oo katirsan Hoggaanka XSHM ayaa ka hadlay gulufka dagaal ee ka socda wilaayada Jubbooyinka iyo marxaladaha uu marayo dalkeena Somaaliya ee duulaanka shisheeye lakulmaya.


Sheekh Fu'aad Max'med Khalaf oo kamid ah ducaadda Muslimiinta Somaliya ahna mas'uul si weyn looga tixgeliyo bariga Afrika ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalada kasoo cusboonaaday wadada isku xirta Afmadoow iyo Kismaayo.


Isagoo shacabka Kismaayo kala hadlayay idaacadda Islaamiga Andalus ayuu ugu bishaareeyay in cadawga kusoo duulay Jubbooyinka uu jabi doono bi'idnillaah wuxuuna Allaah ka baryay in junuudiisa guuleeyo Kenya iyo Xaabadeedana jabiyo.



Sheekh Fu'aad ayaa si gaar ah ula hadlay bulsha weynta Jubbooyinka isagoo soo xusuusiyay nabad gelyada,cadaaladdaiyo karaamada ay ku heleen ku dhaqanka sharciga islaamka muddo Afar sanadood ah aysan dhibaato ka dhicin Kismaayo iyo magaalooyinka hoos yimaad.



Halkan ka dhagayso Sheekh Fu'aad oo Reer Kismaayo kala hadlaya Mediyaha Andalus