Madaafiic xalay lagu garaacay degmooyinka Boondheere iyo Shibis.
Xalay saqdii dhexe ayaa madaafiic lagu garaacay xaafadaha Degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir, iyadoo madaafiicdaasina ay geysteen Dhimasho iyo Dhaawac.
Goobjoogayaal ayaa ku soo waramaya in madaafiic dhowr ah xalay ay ku soo dhaceen Xaafadaha Degmooyinka Shibis iyo Boondheere, kuwaasoo sababay Dhimashada hal ruux iyo dhaawaca ku dhawaad toban ruux oo rayid ah.
Lama oga ilaa iyo hadda halka ay sida rasmiga ah uga soo dhaceen madaafiicdaasi qalqalka iyo cabsida galisay dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha degmooyinka Boondheere iyo Shibis.
Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ee ku soo duulay dalka Soomaaliya ayaa looga bartay inay xiliyada habeenkii waqtiyada qaar madaafiic indha la’aan ah oo aan la ogayn jihada ay ku ridayaan ay ku garaacaan xaafadaha magaalada Muqdisho, iyagoo marar badan horay dad shacab ah ay ugu xasuuqeen madaafiic noocaan oo kale ah oo habeen barkii ay iska tuuraan.
Si kastaba ha ahaatee madaafiicda xalay ku soo dhacday xaafadahaasi oo aan la ogayn ilaa iyo hadda halka sida rasmiga looga soo gamay ayaa hurdo la’aan iyo dhiig baxba ku riday dadka shacabka ah.
