XOG: Turkiga oo ardayda Iskuulada Muqdisho u qeybiyey Kitaabo Qur’aan ah oo ay badaleen qaar kamid ah aayadaha Qur’aanka.
Dowladda Turkiga oo qeyb ka ah dalalka dagaalada kula jira muslimiinta Soomaaliya ayaa waxay ardayda wax kabarta Iskuulada Muqdisho waxay u qeybiyeen 24-saac ee la soo dhaafay Kitaabo Qur’aan ah oo ay badaleen qaar ka mid ah Aayadaha Qur’aanka Kariimka.
Wariyaha Xarunta Muqdisho ee SomaliMeMo oo la kulmay qaar ka mid ah Ardeyda Soomaaliyeed ee dowladda Turkigu ay u qeybiyeen Kitaabada Qur’aanka ee la badalay ayaa noo sheegay in loo qeybiyey Kitaabo Qur’aan oo macnahoodu si qaldan u soo qoreen.
Kitaabka ayaa meelaha laga badalay waxaa ka mid ah Suuratul Ikhlaas, aayadda ugu horaysa ee ah قُلۡ هُوَ ٱللَّهُ أَحَدٌ ayaa loo qoray sidan هُوَ ٱللَّهُ أَحَدٌ , arinkaas oo qayb ka ah dagaalka lagu hayo Diinteena Islaamka ah.
Qaar ka mid ah Iskuulada iyo Jaamacadaha Magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin Imaamu-Shaafici, Banaadir iyo Iskuulo kale ayay u qeybiyeen Dowladda Turkiga Kitaabadan, laakiin waxaa ayagu diiday in ay Kitaabtaas qaataan Iskuulka Imaamu-Shaafici sida ay noo sheegeen macalimiinta iskuulkaasi.
Sidoo kale Dowladda Turkiga ayaa siminaaro ay u qabteen macalimiinta Jaamacadaha iyo macaahida magaalada Muqdisho siminaaradaas oo loogu sharaxay Kitaabkan loo qeybiyey Iskuulo fara badan.
Arrintan ayaa si aad ah uga guuxeysa magaalada Muqdisho iyadoo dad badan oo aqoonyahano ah oo arkey Kitaabkaasi ay shaki badan muujiyeen, in kastoo ay jiraan iskuulo badan oo ardeyda dhigata loo qebiyey Kitaabadaasi.
Dowladda Turkiga hadafkoodu wuxuu yahay sidii ay caqiiqdada uga qaldi lahaayeen Ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan caruurta yaryar ee caqligooda la xadi karo.
Turkiga ayaa Soomaaliya markii hore ku soo galay abaarihii dalka iyo sidii ay gargaar samafal ku gaarsiin lahaayeen dadka ay abaaruhu soo riteen, hase yeeshee waxay la soo baxeen wajiyadooda dhabta ah taasoo ugu dambeyntii hadda xaalka uu marayo inay ardyeda Soomaaliyeed ee wax ka barta Iskuulada magaalada Muqdisho u qeybiyaan Kitaabo Qur’aan ah oo ay badaleen Aayadaha Qur’aanka.


