Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo xalay weeraray Saldhig ay PS-tu ku leeyihiin Xaafada Carafaat.
Ciidamo ka tirsan XSHM ayaa xalay saqdii dhexe waxay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay ciidamada PS-tu ay ku leeyihiin xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, iyadoona halkaasi khasaare culus lagu gaarsiiyey maleeshiyaadka PS-ta ee la weeraray.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sadex ka mid ah PS-ta ay ku geeriyoodeen halka lix kalena ay ku dhaawacmeen dagaal gaadmo ah oo ay xalay ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen fariisin ay Xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid ku lahaayeen.
Taliska maleeshiyaadka Calool-Uusta Degmada Yaaqshiid oo wax laga weydiiyey weerarkii xalay ka dhacay Xaafada Carafaat ayaan wax faahfaahin ah ka bixin.
Dad goobjoogayaal ah oo lasoo xiriiray SomaliMeMo ayaa xaqiijiyey in tiro badan oo maleeshiyaadka PS-ta ay xalay ku dhinteen weerarka lagu qaaday, waxayna goob joogayaashu sheegeen inaysan tirada dhabta ah ogayn.
Waxaa sii kordhaya weerarada xiliyada habeenkii ah ee lagu qaado fariisimaha maleeshiyaadka calool-Uusta iyo kuwa PS-tu ay ku leeyihiin caasimada Magaalada Muqdisho.
